Leny Yoro iyo Rasmus Hojlund ayaa dhaawacyo soo gaareen iyadoo Manchester United ay guuldarro 2-1 ah kala kulantay Arsenal ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Los Angeles.
Erik ten Hag ayaa sheegay in Manchester United ay ku qasban tahay inay sugto 24 saacadood oo kale si ay u ogaato inta uu la egyahay dhaawaca soo gaaray Leny Yoro iyo Rasmus Hojlund.
Labada ciyaaryahan ayaa dhaawac ku baxay qeybtii hore ee ciyaartii United ay guuldarro 2-1 ah kala kulantay Arsenal Sabtidii magaalada Los Angeles.
Hojlund ayaa daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta ,balse Arsenal ayaa guusha ku raacday goolashii ay u kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli.
Yoro, oo 52.2 milyan oo ginni kaga soo biiray Lille, ayaa ku soo bilowday inkastoo uu ka soo muuqday kala bar kaliya tababarkii United.
Ten Hag oo ka hadlay dhaawacyada soo gaaray ayaa yiri”-
“Waa inaan sugno, 24 saacadood gudahood waxaan rajeyneynaa inaan ogaano wax badan, sidaas darteed aad ayaan uga taxadarnay, gaar ahaan Leny,” Ten Hag ayaa sidaasi u sheegay MUTV.
Ten Hag ayaa ku faraxsan bandhigga United guud ahaan, iyadoo kooxdiisa ay sameesay 10 darbo.
Ten Hag ayaa labada xiddig u rajeeyay inay dhaqsi soo kabsadan.