Tallaabo Lama Filaan Ah: Chelsea Oo Ka Fikiraysa Inay Dib U Soo Celiso Antonio Rudiger

Kooxda Chelsea ayaa ka fikiraysa inay bisha Janaayo samayso tallaabo lama filaan ah oo ay dib ugu soo celinayso daafaca Real Madrid ee Antonio Rudiger.

Sida ay qortay Football Insider, kooxda reer London ayaa qiimaynaysa inay qiimo jaban kula soo wareegto daafacan 33-jirka ah. Tababare Xabi Alonso ayaa aad u doonaya inuu xalliyo dhibaatada daafaca ee haysata Chelsea, maadaama laga dhaliyay 20 gool 11-kii kulan ee ugu horreeyay horyaalka Premier League.

Rudiger ayaan ka soo muuqan midna shantii kulan ee u dambaysay ee ay Real Madrid ciyaartay horyaalka LaLiga, iyadoo uu leylinayo tababare Jose Mourinho.

Heshiiska uu xiddigan reer Jarmal kula jiro kooxda ka dhisan garoonka Bernabeu ayaa dhacaya dhammaadka xilli-ciyaareedkan, taas oo keeni karta in Real Madrid ay iibiso bisha Janaayo halkii ay xagaaga si bilaash ah ku weyn lahayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular