Saadaasha Alan Shearer Ee Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan

Halyeeygii hore ee Newcastle United, Alan Shearer, ayaa saadaaliyay qaar ka mid ah kulamada horyaalka Premier League ee dhacaya dhammaadka toddobaadkan.

Chelsea ayaa habeenka Jimcaha garoonka Stamford Bridge kula ciyaari doonta Nottingham Forest. Manchester United ayaa Sabtida garoonka Old Trafford ku soo dhoweyn doonta Brentford, halka Arsenal ay Axadda garoonka Emirates ku martigelin doonto Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, Shearer wuxuu aaminsan yahay in Chelsea ay gurigeeda barbarro kula geli doonto Nottingham Forest. Sida uu qabo xiddigan hore ee xulka England, Arsenal ayaa ka badin doonta Man City, halka Man United ay barbarro la geli doonto Brentford.

“Waxaan u malaynayaa in natiijadaasi ay u fiicnaan doonto Forest marka loo eego Chelsea, sidaas darteed waxaan dooranayaa barbarro,” ayuu Shearer u sheegay Metro UK.

Isagoo ka hadlayay kulanka Man United iyo Brentford, Shearer wuxuu yiri: “Ma jirto waddo aan ku dhaho kooxda gurigeeda joogta ayaa badinaysa sababtoo ah ma jiro wax caddeyn ah oo taageeraya taas. Marka mar kale, waxaan dooranayaa barbarro.”

Mar uu ka faalloonayay kulanka Arsenal iyo Man City, Shearer wuxuu ku daray: “Waa kulan aad iyo aad u adag, laakiin waxaan u malaynayaa in Arsenal ay badin doonto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular