Rajadii Gunners ee hanashada horyaalka ayaa dhabar jab weyn la kulantay toddobaadkan markii Jarrod Bowen uu West Ham ku hogaamiyay guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Arsenal.
Natiijadaas – oo ahayd guushii ugu horreysay ee West Ham shan kulan gudahood – waxay Arsenal ka dhigtay inay 8 dhibcood ka dambeyso hoggaamiyeyaasha Liverpool, halka guuldarradii City ee Etihad ay farqiga sare u qaaday 11 dhibcood.
Mohamed Salah ayaa mar kale ahaa xiddiga bandhiga ugu weyn sameeyay, isagoo daah furay goolasha ciyaarta daqiiqadii 14-aad ka hor inta uusan caawin Dominik Szoboszlai oo dhaliyay goolka labaad dhamaadka qeybtii hore.
Liverpool waligeed uma muuqan kuwo luminaya hoggaanka ay haysay, waxaana Curtis Jones uu u muuqday inuu dhaliyay goolkii saddexaad qeybtii labaad ee ciyaarta, balse waxaa loo diiday offside dartii.
Salah iyo saaxiibadiis waxay isku dayi doonaan inay sii xoojiyaan hoggaanka horyaalka Arbacada marka ay Newcastle ku martigeliyaan Anfield, kulan la filayo inuu xiiso badan yeesho.
Wenger oo ka hadlayay waqtigii nasashada ee ciyaarta Liverpool vs Man City, isagoo la hadlaya beIN SPORTS, ayaa yiri: ‘Haddii Liverpool ay maanta guuleysato, markaa boqolkiiba 80% ayaad dhihi kartaa waxey heystaan rajo weyn!’
Markii la weydiiyay sababta uu Arsenal u siiyay 20% fursad, Wenger wuxuu ku jawaabay: ‘Waxaa laga yaabaa inaan deeqsi noqday.
‘Laakiin iyadoo 11 kulan ay harsan yihiin, Liverpoolna 11 dhibcood ku hogaamineyso, weliba hal kulan dheeraad ah ciyaartay, dabcan, lama filayo.
‘Haddii Liverpool ay maanta guuleysato, waxay hal guuldarro la kulantay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, mana filaysid inay afarta kulan ee ugu dambeysa lumiyaan.’