Erik ten Hag beddelkiisa ayaa hadlay iyadoo digniin loo diray culus loo diray Ten hag.
Erik ten Hag wali waxaa saaran culays weyn oo shaqada United ah, iyadoo tababaraha Dutch-ka ah uu u baahan yahay inuu beddelo qaab ciyaareedka xun ee Manchester United haddii uu doonayo inuu shaqadiisa ka sii wato Old Trafford.
Manchester United ayaa sabtida ku soo dhoweynaysa Brentford gurigeeda iyadoo culayska uu weli saaran yahay tababare Erik ten Hag.
Tababaraha Dutch-ka ah ayaa ka badbaaday in la ceyriyo fasaxii caalamiga, balse haddii qaab ciyaareedka xun ee United uu sii socdo, waxaa laga yaabaa inuu Old Trafford uga tago si kedis ah.mid ka mid ah tababarayaasha la tixgelinayo in lagu beddelo waa tababaraha Brentford, Thomas Frank.
Frank ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya shaqada Old Trafford. Dhanka kale, mulkiilaha United Sir Jim Ratcliffe ayaa taageero ka helay halyeeyga kooxda, David Beckham, oo ku adkeeyay inuu kooxda isbeddel degdeg ah ku sameeyo.
Ten Hag ayaa sidoo kale helay war farxad leh maadaama uu la tacaalayo dhibaatada sii kordheysa ee dhaawacyada dafaaca.
Thomas Frank ayaa ku adkeystay inuu ku faraxsan yahay Brentford xilli ay jirto xiisaha Manchester United. Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Denmark ayaa diiday inuu gabi ahaanba albaabka ka xiranayo inuu la wareego Red Devils haddii Erik ten Hag la ceyriyo.
“Waan sheegay marar badan inaan aad ugu faraxsanahay Brentford. Yaase garan kara waxa dhici doona mustaqbalka? Waxaa laga yaabaa inaan halkaan ku sii nagaado sanado badan. Waxaan u furanahay wax kasta, waxaa laga yaabaa in wax dhacaan. Laakiin marka hore iyo ugu horrayn, aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdeyda, waxaan si adag uga shaqeynayaa maalin walba sidii aan kooxda u wanaajin lahaa,” ayuu yiri.
“Taasina waa sababta ay u adag tahay in la saadaaliyo mustaqbalkeyga. Yaa garanaya waxa dhici doona? Immisa tababare ayaa hal koox ku sugnaa in ka badan lix sano? Aad ayey u yar yihiin”