Tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa u aqoonsaday xiddiga khadka dhaxe ee Mason Mount inuu yahay ciyaaryahan door weyn ka ciyaari doona kooxdiisa cusub.
Amorim wuxuu bilaabay doorkiisa cusub ee shaqada Man Utd todobaadkan, isagoo bedelay Erik ten Hag oo la ceyriyay bishii lasoo dhaafay.
39-sano jirkaan ayaa la wareegay kooxda oo haatan ku jirta kaalinta 13-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxaana laga sugayaa inuu la yimaado isbedel badan.
Ka dib markii uu ku guuleystay laba koob oo horyaalka Portugal ah waqtigiisii Sporting, Amorim waxaa loo arkaa mid ka mid ah tababarayaasha dhalinyarada ah ee ugu fiican Yurub.
Tababare Amorim ayaa la filayaa inuu ka hirgaliyo Manchester United shaxdiisa caanka ah ee 3-4-3 taasoo guulo u horseeday waqtigiisii Portugal.
Samaynta ugu badan shaxdaan waxaa yeelan doona Mount oo islamarkiiba noqday mid ka faa’iidaystay imaatinka tababare Amorim.
Majalada The Sun ayaa ku warameysa in Amorim uu qorsheynayo inuu Mount uu ka dhigo mid muhiim u ah kooxdiisa cusub ee Man United.
Waxaa la sheegay in tababaraha reer Portugal uu la dhacsan yahay awooda ciyaaryahanka kaasoo taageere weyn uu ku siin doono sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa qaab ciyaareedkiisii lumay.