Mikel Arteta ayaa ku sheegay Bukayo Saka mid aan caadi ahayn, kadib bandhigiisi cajiibka ahaa ee kulankii Southampton oo ka qeyb qaatay dhamaanba saddexda gool ee ay Arsenal shabaqa taabsiisay.
Kooxda Mikel Arteta ayaa gool lagala hormaray daqiiqadii 5aad, laakiinse Bukayo Saka ayaa muujiyey sababta uu u xidhnaa calaamada hogaamiyenimo ee Captain-ka, xili ay Arsenal u baahnaydna sameeyay bandhig ku hogaamiyay guul soo laabasho ah o ay ka gaadheen kooxda Southampton oo gool la hor martay.
Arteta ayaa kulanka kadib yidhi: “Waxa uu samaynayo marka loo eego da’diisa, waa wax aan la rumaysan karin”
” waxa uu leeyahay awooda uu ku badali karo oo ku go’aamin karo kulamada sida ciyaartoyda waaweyn, taasi waa qaangaadhnimadiisa.
” marka aad ku samayso garoonkaaga, aad samayso kulamada waaweyn, marka kooxdu kuu baahantahay, taasi waa waxa qeexda ciyaartoyda heerka sare ah, hadii aan dooneyno meelaha sare, mararka qaar ciyaartoydu waa inay sameeyan bandhigan oo kale, taasina waa waxa uu sameeyay maanta.”