Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay kooxaha ku tartamaya inay shaqaalaysiiyaan tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso si uu u noqdo bedelka macallin Pep Guardiola.
Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale ah doorasho kale oo u furan Alonso, sida laga soo xigtay Florian Plettenberg oo ka tirsan Sky Germany, wuxuu sheegay in Liverpool hadda ay tartanka ka baxeen sababtoo ah waxey ku qanacsan yihiin sida uu macallin Arne Slot wax uga qabtay kooxda tan iyo markii uu xagaagan Anfield ku biiray.
Alonso wuxuu shaqo aad u wanaagsan ka qabtay Leverkusen, isagoo kooxda u horseeday hanashada horyaalkii ugu horreeyay ee Bundesliga xilli ciyaareedkii hore, isagoo aan laga badin hal kulan oo horyaalka ah.
Tababaraha u dhashay Spain wuxuu sidoo kale Leverkusen geeyay finalka Europa League, in kasta oo ay guuldarro lama filaan ah kala kulmeen kooxda Atalanta. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sahlan in la sawirto in Alonso guulo waaweyn la gaari karo koox weyn sida City ama Real Madrid.
Taageerayaasha City ma jeclaan doonaan inay waayaan Guardiola kadib guulihii waaweyn ee uu usoo hooyay Etihad Stadium, laakiin haddii uu ka tago kooxda, Alonso wuxuu noqon karaa bedelka ugu habboon.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid waa koox kale oo isha ku heysa mustaqbalka Alonso, sababtoo ah Carlo Ancelotti ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda xagaaga, in kasta oo uu shaqo wanaagsan ka hayo Bernabeu.
Waxaa xiiso yeelan doona in la arko Alonso oo ku biira Premier League, laakiin waxaaa looga digay kooxaha kale ee waaweyn inuu abuurmi doono mucaarad aad u adag oo aan la dhayalsan karin haddii uu Alonso noqdo badelka Guardiola ee Manchester City.