Gareth Southgate ayaa kala wareegay Graham Potter tababaraha ugu cadcad inuu shaqada kala wareego tababaraha Man United Erik ten Hag.
Milkiilaha cusub ee kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa u calaamadeystay tababarihii hore ee Chelsea Potter inuu noqdo bedelka Ten Hag haddii la ceyriyo.
Laakiin tababaraha xulka England Southgate ayaa todobaadkii hore sheegay inuusan ka hadli doonin qandaraaskiisa xulka Ingariiska ilaa iyo ka dib Koobka Qaramada Yurub ee sannadkan.
Ratcliffe oo la wareegay howsha kubada cagta ee Man United ayaa yiri: “Haddii aan dadka saxda ah u helo boosaska qaar, markaas natiijooyinka kor ayay u kici doonaan.”
Graham Potter wuxuu la shaqeeyay agaasimaha imaanaya Man United Dan Ashworth markii ay wada joogeen Brighton halka uu Southgate kula shaqeeyay FA-ga.
Warar cusub oo soo baxaya haatan ayaa sheegay in Sir Jim Ratcliffe uu maankiisa bedelay isagoo dookha 1aad ka dhigtay Southgate si uu u bedelo Erik ten Hag.
Waxay tani imaaneysaa xilli Red Devils ay ku jirto xilli ciyaareed xun iyadoo Ten Hag uu cadaadis xoogan wajahayo.
Man United ayaa lagu reebay wareega group-yada Champions League ka hor inta aysan u dhicin kaalinta lixaad ee Premier League.
Qandaraaska Gareth Southgate ee xulka Ingariiska waxa uu dhacayaa bisha December ee sannadkan.
Ratcliffe ayaana la sheegay inuu kalsooni ku qabo inuu Southgate mar kale ka dhigo tababare kooxeed iyadoo ay ugu danbeysay sannadii 2009kii markaasoo uu seddex sannadood tababare u ahaa Middlesbrough.