Tababaraha xulka Denmark, Brian Riemer, Ayaa Aaminsan In Cristiano Ronaldo Uu Yahay Ciyaaryahanka Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Marka Lala Barbar Dhigo Lionel Messi.
Riemer ayaa fikirkiisa ku aaddan dooddii GOAT (kan ugu fiican taariikhda) caddeeyay ka hor kulanka siddeed dhammaadka UEFA Nations League ee Denmark iyo Portugal oo dhici doona Khamiista.
Tababarahan ayaa muujiyay sida uu u qaddariyo ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.
Wuxuu u sheegay wargeyska O Jogo:
“Haa, waa ciyaaryahan cajiib ah! Waxaan filayaa in saddex ama afar wareysi oo iigu dambeeyay la i weydiiyay: ‘Messi mise Ronaldo?’
“Aniga ahaan, Cristiano Ronaldo maalin kasta! Waxaan mar walba aad u jeclaa ninkan.”
Riemer ayaa qiray in kabtanka xulka Portugal uu wax ka beddelay qaab ciyaareedkiisa sannadihii dambe, balse wuxuu ku adkeystay in 40-jirkani weli yahay khatar joogto ah.
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan u malaynayaa in Cristiano uu weli ka mid yahay ciyaartoyda ugu qatarsan ee aad la kulmi karto.
“Waxaan filayaa inuu ku jiro xaalad jir ahaaneed oo aad u wanaagsan. Wuu ka duwan yahay sidii hore, waa nooc kale oo ciyaaryahan ah hadda.
“Laakiin taasi kama dhigeyso mid liita, waa kala duwanaansho, balse weli waa ciyaaryahan weyn. Waan ixtiraameynaa, waxaana sugeynaa inaan la ciyaarno.”
Denmark ayaa martigelin doonta Portugal lugta hore ee siddeed dhammaadka, ka hor inta aysan u safrin Lisbon si ay halkaas ugu dheelaan lugta labaad oo dhici doonta Maarso 23.