Arne Slot ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu dib ugu soo celiyay Cody Gakpo booskiisa uu aadka u jeclaa ee garabka bidix. Xiddiga reer Netherlands ayaa door muhiim ah ciyaaray markii Liverpool ay 3-1 kaga adkaatay Leicester City maalintii Boxing Day ee Anfield.
Gakpo ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Reds kahor waqtiga nasashada, isagoo sidoo kale ka caawiyay Mohamed Salah goolkii saddexaad ee ciyaarta, taasoo xaqiijisay guusha. 25-jirkan ayaa hadda leh 10 gool xilli ciyaareedkan, isagoo si weyn uga faa’iidaystay ka ciyaarista booska uu ku fiican yahay Ee garabka bidix.
Ka dib markii uu inta badan ka ciyaarayay bartamaha garoonka intii uu Jurgen Klopp maamulaha ahaa, Slot ayaa faahfaahiyay isbeddelka ku yimid qaab ciyaareedka weerarka Liverpool oo u saamaxay Gakpo inuu dib ugu laabto booskiisa garabka.
“Farqiga ugu weyn waxaa laga yaabaa inuu yahay habka weerarka saddexda hore oo waxyar ka duwan sidii hore,” ayuu yiri Slot. “Waxaan u maleynayaa in laga yaabo inaan hadda ka fileyno wax badan garbaha si ay u sii fidiyaan ciyaarta oo ay u helaan fursado waaweyn.
“Cody wuu ka faa’iideystay arrintan. Lucho (Diaz) sidoo kale si fiican ayuu u dhiirran yahay marka uu ka ciyaaro garabka bidix. Laakiin, annaga aragtideenna, Lucho wuxuu sidoo kale awood ayuu u leeyahay inuu ka ciyaaro booska sagaalaad.
“Wuu ku fiicnaa markii uu sidaas sameeyay ciyaartii Spurs.Kulankii Spurs Lucho iyo Mo waxey ahaayeen kuwa ugu muuqashada badan, markan waxay ahaayeen Cody iyo Mo.
“Way fiican tahay inaad hesho fursado badan, boos walba, gaar ahaan saddexda hore.”