Federico Chiesa ayaa mar kale ka maqnaa safka Liverpool kulankii ay 6-3 ku garaaceen Tottenham, waxaana tababaraha Arne Slot uu shaaciyay sababta dhabta ah ee uu u maqnaa.
Liverpool oo si weyn u burburisay Tottenham ayaanan u baahan adeegga Chiesa, maadaama weeraryahanada kale ee Reds ay ka dhigeen maalintaas kooxda kasoo horjeeday mid mugdi u ah.
Diogo Jota iyo Darwin Núñez ayaa kaydka kasoo kacay si ay culayska ugu kordhiyaan Ange Postecoglou, balse nasiib darro Chiesa waa uu maqnaa – maadaama ciyaartaasi ay ahaan lahayd fursad wanaagsan oo uu ku helo daqiiqado ciyaar kadib markii la xaqiijiyay guul aan laga daba tagi kareyn.
Ka hor ciyaarta, warbaahintu waxay sheegtay in sababta maqnaanshihiisa ay tahay in uusan Slot usoo xulan safka. Si kastaba, tababaruhu waxa uu shaaciyay kadib ciyaartii Axadda in maqnaanshaha Chiesa ay la xiriirtay inuu xanuunsanaa.
Slot ayaa yiri: “Waa uu xanuunsan yahay. Nasiib-darro, maadaama uu daqiiqado ka helay kulankii Southampton, balse nasiib-darro wuxuu xanuunsanaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay iyo maanta sidoo kale, sidaas darteed ma aanan keeni karin ciyaarta.”
Ma cadda haddii uu diyaar u noqon doono kulanka Leicester ee 26-ka December.
Si kastaba, Chiesa ma filayo inuu ku bilowdo ciyaarta, maadaama weeraryahanada kale ee Liverpool ay qaab wanaagsan ku jiraan, laakiin haddii Liverpool ay mar kale la hormarto hogaanka ciyaarta, sida kulankii Tottenham, waxay noqon kartaa fursad uu Chiesa ku ciyaaro daqiiqado.