Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa go’aansaday inuu iibiyo Ben Chilwell iyo Carney Chukwuemeka bisha janaayo.
Labadan ciyaariyahan ayaa ah kuwa aan hadda ku jirin qorshaha tababare Maresca, waxaana laga yaabaa inay baxaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee furmi doona sanadka cusub.
Chilwell, oo qaata £200,000 todobaadkii, ayaa la filayaa inuu ka tago Chelsea bisha Janaayo. Horay ayaa looga saaray kooxd, laakiin wuxuu ciyaaray 45 daqiiqo kulankii ay Chelsea 5-0 kaga badisay Barrow ee EFL Cup ka. Iyadoo taasi jirto, Maresca ayaa wali qorsheynaya inuu iska iibiyo xiddigan.
Wararka ayaa sheegaya in Chilwell horay loogu soo bandhigay Manchester United intii lagu jiray xagaaga, laakiin United ma aysan u muujin wax xiisa ah ciyaariyahanka.
Maresca ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu iska iibiyo Carney Chukwuemeka, kaasoo qaata £100,000 todobaadkii. Chukwuemeka, oo ah ciyaaryahan da’yar ayaa soo jiitay xiisaha AC Milan iyo kooxaha ka dhisan Saudi Arabia. Milan ayaa laga yaabaa inay amaah kula soo wareegto si ay ugu xoojiso khadkeeda dhexe.
Xidigii hore ee kooxda Chelsea Marcel Desailly ayaa amaanay Chukwuemeka isaga oo sheegay in uu xirfad iyo kalsooni ku dhex leeyahay garoonka dhexdiisa.