Enzo Maresca ayaa qirtay in hal xiddig oo kooxdiisa kamid ah uu “ka yaabiyay” tan iyo markii uu Chelsea kaga soo biiray Manchester United.
Sancho, oo 24 jir ah, ayaa soo gabagabeeyay saddex sano ah oo uu ku niyad-jab sanaa Old Trafford isagoo xagaagii hore ku biiray Chelsea, kooxdii uu caruurnimadiisa taageerayay.
Sancho wuxuu sumcad ka helay Borussia Dortmund taasoo keentay inuu 2021 uu ugu biiro Manchester United heshiis qaali ah, laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho kooxda. Inta badan wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda kaydka u fadhida Erik ten Hag, taasoo ugu dambayn sababtay khilaaf dadweyne oo ka dhex qarxay isaga iyo tababarihii hore ee United.
Chelsea ayaa Sancho ku soo qaadatay heshiis amaah ah oo soconaya ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo heshiisku uu ku jiro inay ku iibsan karaan xagaaga dambe qiime u dhexeeya £20-25 milyan.
Sancho wuxuu xilli ciyaareedka qeybtiisii hore muujiyay qaab ciyaareed wanaagsan, taasoo Chelsea ka dhigtay koox aan la fileyn oo u tartamaysa horyaalka Premier League.
Maresca ayaa amaanay qaab ciyaareedka Sancho isagoo sheegay inuu xitaa ka yaabiyay.
“Aniga ahaan wuu fiican yahay,” ayuu yiri Maresca.
“Jadon wuu iga yaabiyay. Waan aqaanay Jadon [oo aan arkay waayihiisii hore] waxaana filayay waxyaabo wanaagsan, laakiin marka laga hadlayo joogteynta, aad ayuu ugu fiicnaa.
“Marka laga reebo qeyb yar oo xilli ciyaareedka ah markii uu xanuunsaday, inta kale aad ayuu u fiicnaa. Waxaan filayay inuu fiicnaado, laakiin ciyaartoyda oo dhan inay si joogto ah u fiicnaadaan muddo dheer way adag tahay, taasoo uu Jadon sameeyay. Wuxuu hadda u baahan yahay oo kaliya inuu sii wado.”
Halyeeygii hore ee Chelsea, Glen Johnson, ayaa ku tilmaamay heshiiska Sancho mid ka mid ah heshiisyadii ugu fiicnaa abid ee suuqa kala iibsiga.
“Heshiiska Jadon Sancho ee Chelsea wuxuu u muuqdaa mid dhinac kaliya faa’iido u ah,” ayuu u sheegay Betfred.
“Maanta, £23 milyan ciyaaryahan noocaas ah ku hel, waxay la mid tahay in la iska siiyay. Waxa uu sameeyay usbuucyadii dhowaa waa waxa aan ognahay inuu awood u leeyahay, laakiin waa inuu joogteeyo.