Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay inuu si weyn ugu qanacsan yahay difaaca kooxdiisa, Wesley Fofana, oo uu ku tilmaamay mid dhiirran oo muhiim ah.
Fofana, oo dhaawac muddo dheer ah kaga maqnaa garoomada, ayaa dib ugu soo laabtay safka kooxda isagoo door muhiim ah ka ciyaaraya difaaca. Xiddiga reer France ayaa dhammaystay 90-kii daqiiqo ee kulankii ay Chelsea barbaraha 1-1 la galeen Arsenal Axadii, kulan ka tirsanaa Premier League.
Kaddib ciyaarta, Maresca ayaa amaan badan huwiyay da’yarkan 23-jirka ah.
“Waxaan doonayaa inaan mar kale iraahdo: Waan jeclahay Wes Fofana,” ayuu yiri Maresca.
“Xilli ciyaareedkii hore oo dhan wuxuu ku maqnaa dhaawac, laakiin si adag ayuu dib ugu soo laabtay, waana mid dagaal badan maalinkasta.
“Waa suurto gal inuu ilaa dhammaadka xirfaddiisa ku ciyaaro isagoo xanuun dareemaya. Taasi waxay u baahan tahay adkeysi badan, waana mid sidaas ah.”
Fofana ayaa la filayaa inuu door weyn ku yeesho qorshaha Chelsea xilli ciyaareedkan, iyadoo Maresca uu muujinayo kalsooni buuxda oo uu ku qabo ciyaaryahanka.