Habeen Madow Ayuu u Ahaa FC Barcelona Markii Ay Guuldarro Kala Kulmeen Las Palmas.
Kooxda Barcelona ayaa mar kale ku guuldarreysatay inay dib ugu soo laabtaan wadada guusha ee La Liga, iyadoo guuldarro 2-1 ah kala kulantay Las Palmas. Guuldarradan ayaa si gaar ah u xanuun badneyd maadaama ay tahay tii ugu horreysay ee ay ku qaataan garoonkooda xilli ciyaareedkan.
Guuldarradan kaddib, Barcelona waxay heshay hal dhibic oo kaliya saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka, taasoo muujineysa in kooxda ay u baahan tahay isbeddel si ay ugu tartanto hanashada horyaalka La Liga. Catalans waxay 4 dhibcood oo qura ku hayaan hoggaanka horyaalka waloow Real Madrid ay u harsan tahay laba kulan.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, tababaraha kooxda, Hansi Flick, ayaa ka hadlay niyadjabkii guuldarradan, isagoo shirkiisa jaraa’id ku muujiyay sida uu uga xun yahay bandhigga kooxdiisa.
“Maanta ma ahayn maalinteenna. Qeybtii labaad waxaan abuurnay fursado badan, laakiin nasiib darro waxba nooma hirgelin,” ayuu yiri tababaraha reer Jarmal.
Flick ayaa tilmaamay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee kooxdiisa heystay kulankan:
“Markaan xakameyno ciyaaraha oo aan helno fursado, waxaan abuurnaa jaanisyo. Laakiin markaan sidaas sameyn wayno, waxaa inoo bilaabata dhibaato.”
Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in wax laga beddelo habka difaaca:
“Waxaan u baahannahay inaan wax ka beddelno; waa inaan si fiican u difaacannaa. Haddii aadan dhalin goolal, waa ay adkaaneysaa in aad shabaq nadiif ah ilaashato. Laakiin ma ahan oo kaliya daafacyada—waxay ku saabsan tahay dhammaan kooxda. Waa inaan dib isku abaabulno oo isku xirnaannaa.”