Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa go’aansaday inuusan soo iibsan ciyaaryahan cusub oo booska khadka dhexe ah bisha Janaayo. Wuxuu dareensan yahay in xiddigaha haatan ee khadka dhexe — Marc Casado, Eric Garcia, Andreas Christensen, Frenkie de Jong, iyo Gavi — ay ku filan yihiin khadka dhexe ee kooxda ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.
Flick sidoo kale wuxuu aaminsan yahay da’yarka Marc Bernal, kaas oo uu u arko inuu mustaqbal wanaagsan leeyahay inkastoo dhawaan uu dhaawac soo gaaray. Tababareyaasha waxay rumeysan yihiin in Bernal uu noqon karo bedelka mustaqbalka ee Sergio Busquets.
Horay, Barcelona waxay qorsheynaysay inay soo qaadato khad dhexe oo heer sare ah si ay kooxda ugu xoojiso, laakiin xaalada ayaa is bedeshay. Kooxda ayaa hadda dareemeysa rajo wanaagsan oo ku aaddan Janaayo, gaar ahaan haddii isbedelka shuruucda mushaarka uu suurtogal ka dhigo in ciyaartoyda qaar ay baxaan, taas oo u furi karta fursad ay ciyaartoy cusub ku soo iibsadaan haddii loo baahdo.
Flick wuxuu kalsooni ku qabaa xulashadiisa hadda, isagoo filaya in Gavi iyo Fermin Lopez ay soo laabtaan, sidoo kale De Jong uu door weyn ka ciyaaro qorshaha khadka dhexe ee Flick.Tababaraha Barcelona ayaa rumeysan in aan wax baahi ah loo qabin ciyaartooy khad dhexe xilli ciyaareedkan.
Tababaruhu wuxuu sidoo kale doorbidayaa inuu diiradda saaro horumarinta ciyaartooyda da’yarta ah ee La Masia, si loo taageero istiraatiijiyadda muddada dheer ee kooxda ee ku aaddan horumarinta ciyaartoydeeda.