Taageerayaasha Liverpool ayaa qirtay in weeraryahankoodii hore Michael Owen uu raaligelin mudan yahay madaama hadal uu hadda ka hor yiri uu rumoobay ka dib guuldaradii xalay ka soo gaartay Atalanta.
Liverpool ayaa waxaa soo gaartay mid ka mid ah guuldarooyinkooda ugu xumaa ee tartamada Yurub, waxayna qarka u saaran yihiin inay ka haraan tartanka.
Sida kaliya ee ay ugu soo bixi karaan semi-finalka Europa League Khamiista soo socota, waa inay ku badiyaan wax ka badan farqi seddex gool ah.
Liverpool ayaa mar kale fursado ku qasaarisay goolka hortiisa gaar ahaan Darwin Nunez kaasoo dhameystirkiisa uu noqday mid aad u xun.
Isagoo goolka u furan ayuu qeybtii hore qasaariyay fursad gool loo fishay, bedelkii uu goolhayaha u ganbin lahaa, waxa uu doortay inuu ka dulqaado taasoo keentay inuu qasaariyo goolka.
Waxay u muuqatay in Nunez uu isku dayayay dhameystir la mid ah goolkii uu ka dhaliyay Brentford horyaalka Premier League horaantii xilli ciyaareedkan.
Waqtigaas, weeraryahankii hore ee Liverpool Michael Owen ayaa amaanay awooda farsamo ee Nunez laakiin waxa uu su’aal ka keenay go’aan qaadashadiisa.
We owe Owen an apology https://t.co/2e6WDFLgM2 pic.twitter.com/Ap2qfAZCJ6
— Míchaél SNM:🕹 🥕 (@MchaelSNM1) April 11, 2024
“Inuu kubada sidaas u dhameystiro waali ayay ila aheyd. Waa dhameystir ay adag tahay inay gool noqoto, fursada aad gool ku dhalin karto sidaas waa boqolkiiba 10 ama boqolkiiba 20.
“Inaad kubada dhinac dhigto goolhayaha ama aad goolhayaha u ganbiso ayaa aad uga fiican, fursadaada gooldhalina waxay ka dhigeysaa boqolkiiba 40 ama boqolkiiba 50. Ma doonayo inaan dabaaldigiisa uga dheelo goolkaas cajiib ayuu ahaa.
“Laakiin waxaan doorbidayaa inaan arko Liverpool oo 3-0 ku badineysa bedelkii ay 0-0 ahaan laheyd.”
Waqtigaas Michael Owen ayaa lagu cambaareeyay hadalkiisa, laakiin kulankii xalay oo mar kale ay soo baxday in go’aan qaadashada Nunez ay dhaliso qasaaro badan taageerayaasha Liverpool ayaa raaligeliyay Owen.