Taageerayaasha Manchester United ayaa doonaya in Sofyan Amrabat uu kooxda ka tago ka dib markii uu sameeyay qaladkii foosha xumaa ee sababay goolkii erling Haaland ee xaqiijiyay guusha Manchester City.
Man United ayaa goolasha ku hormartay ka dib markii uu shabaqa u soo taabtay Marcus Rashford laakiin labo gool uu dhaliyay Phil Foden iyo goolka Erling Haaland ayaa u dhameystiray guul soo laabasho leh.
Markii ay ciyaarta mareysay 2-1, Man United waxaa ku jirtay rajo ah inay ciyaarta barbareyn karaan, si kastaba, Sofyan Amrabat ayaa waxaa kubada ka qaatay xerada ganaaxa banaankeeda Rodri kaasoo isna quudiyay Haaland oo shabaqa cusjiyay kubada.
Qaladka xiddiga reer Morocco ayaa yimid xilli taageerayaasha Man United ay durba qaati ka taagnaayeen qaab ciyaareedkiisa isagoo ku guuldareystay inuu soo bandhigo tayadii iyo wacdarihii uu wadankiisa u soo bandhigay Koobkii Adduunka ee Qatar ka dhacay.
Inkastoo 27 jirkaan uu amaah uga soo maqan Fiorentina, hadana United waxay bixisay 8.5 milyan ginni oo hishiiska amaahda ah iyadoo qiyaar u heysata inay si joogta ah ugu iibsato 21.4 milyan ginni, laakiin taageerayaasha ma doonayaan in United ay si joogta ah u iibsato.
Taageere ayaa ku soo qoray Twitter: “Ma sugi karo in Amrabat uu si dhaqso ah uga tago kooxdeyda. Heerkiisa waa heerka Europa Conference League.”
Mid labaad ayaa yiri: “Kansala hishiiska amaahda ee Amrabat ciyaarta ka dib.”
Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Amrabat waa saxiixii ugu xumaa ee ka dib waayihii Ferguson, malaha waa mid ka mid ciyaartoydii ugu xumaa ee Man United u dheela abid. Waa mid heer hoose.”