Taageerayaasha Liverpool ayaa u sheegay Trent Alexander-Arnold inuu doorto inuu noqdo “saaxiib ama khayaannoole” xilli la hadal hayo inuu si bilaash ah ugu biiri doono Real Madrid.
Doonista Real Madrid ee Alexander-Arnold ma aha wax cusub. Kooxda reer Spain ayaa markii ugu horreysay xiiseynaysay daafaca xulka England sanadkii hore, waxaana la sheegay in ay dalab rasmi ah u gudbiyeen bishii Janaayo si ay u helaan saxiixiisa. Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa diiday dalabkaas, iyagoo ilaashaday xiddigooda ka soo baxay akadeemiyadooda – ugu yaraan ilaa hadda. Maadaama qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan, Madrid waxay ku heli kartaa isaga si bilaash ah xagaaga.
Alexander-Arnold waa wiil asal ahaan ka soo jeeda Liverpool, wuxuuna si joogto ah u muujiyay jacaylka uu u qabo kooxda intii uu ku jiray xirfaddiisa ciyaareed. Si kastaba ha ahaatee, wararka isa soo taraya ee sheegaya inuu damacsan yahay inuu baxo ayaa dhaliyay dareen caro leh oo ka yimid taageerayaal badan oo dareemaya in ciyaaryahanku beddelay go’aankiisii hore.
Jawaab ahaan, qaar ka mid ah taageerayaashu waxay arrintan si toos ah ula xiriiriyeen Alexander-Arnold, iyagoo dhigay boorar ay ku qoran yihiin farriimo adag oo ka baxsan garoonka Anfield. Qaar ka mid ah boorarka ayaa lagu qoray: “Daacadnimo mise Lacag, Dooro Mid, Trent” iyo “Saaxiib mise Khayaannoole, Dooro Mid, Trent”, taasoo muujinaysa sida ay qaar ka mid ah taageerayaashu uga niyad jabeen wararka la xiriira bixitaankiisa.
Haddii Alexander-Arnold uu doorto inuu ku biiro Real Madrid, waxa uu heli doonaa koror dhaqaale oo aad u weyn. Wararka qaar waxay sheegayaan in kooxda reer Spain ay diyaar u tahay inay siiso mushahar sanadle ah oo gaaraya €15 milyan (£13m/$16m), taasoo aad uga badan mushaarkiisa haatan ee Liverpool. Intaa waxaa dheer, wuxuu heli doonaa gunnooyin la xiriira qaab-ciyaareedkiisa iyo gunno saxiix ah oo ka mid ah heshiiska cusub.