Tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, ayaa sheegay in xulashadiisa muranka dhalisay ee Jordan Henderson ay ahayd mid fudud, isagoo xusay in kabtankii hore ee Liverpool uu yahay “guuleyste dabiici ah”.
Henderson, oo haatan 34 jir ah una ciyaara kooxda weyn ee Ajax ee Netherlands, ma matalin England tan iyo sannadkii 2023. Waxa uu ka maqnaa qorshaha Gareth Southgate ee Euro 2024, taasoo keentay in la filayay inuusan kusoo laaban doonin xulka.
Si kastaba ha ahaatee, Tuchel ayaa dib ugu yeeray Henderson markii uu soo xushay liiskiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu qabtay shaqada xulka England. Dad badan ayaa su’aal ka keenay sababta tababaraha Jarmalka ah uu u doortay Henderson iyadoo uu haysto xiddigo da’yar oo badan, balse Tuchel ayaa si buuxda u difaacay go’aankiisa.
Tuchel ayaa Henderson ka yiri: “Waa xulasho fudud, sababtoo ah waa guuleyste dabiici ah. Wuxuu yahay kabtanka Ajax, waana ciyaaryahan diyaar ah oo si joogto ah u ciyaara. Waxa uu kooxda keenaa hoggaamin togan, dabeecad wanaagsan, shakhsiyad iyo tamar badan.”
“Wuxuu hubiyaa in ciyaartoyda oo dhan ay ilaaliyaan heerka ugu sarreeya. Sifadaas darteed, wuxuu u taagan yahay wax kasta oo aan isku dayeyno inaan dhisno. Waxaan rabnaa in aan dhisno koox ay taageerayaashu ku faani karaan oo ay la jaanqaadi karaan, wuxuuna Jordan u taagan yahay wax kasta oo aan rabno in xulkayagu noqdo.”
Tuchel ayaa sidoo kale xusay in Henderson uu fursad buuxda u haysto inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee 2026, isagoo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay khibradda iyo hogaaminta laacibkan.