Tababare Sven-Goran Eriksson ayaa ugu dambayn rumaynaya riyadiisii ahayd in uu mar uun tababare ka noqdo Liverpool oo uu ciyaartoyda kooxdaas ka hago garoonka Anfield, waxaana uu noqon doonaa macallinka kooxdaas bisha March ee foodda inagu soo haysa.
Sven-Goran Eriksson oo u dhashay waddanka Sweden oo ay da’diisu tahay 75 jir, dhowaanna laga daaweeyey xanuunka kansarka oo kaga dhacay ganaca bishii Janaury, ayaa hore u sheegay inuu ku riyoodo inuu noqdo tababaraha Liverpool.
Kooxo badan ayuu Sven-Goran Eriksson soo layliyey, waxaana ku jiray xulka qaranka England, waxaase ugu dambayntii loo rumaynayaa riyadiisii ahayd inuu Liverpool tababare u noqdo, taas oo uu saxaafadda dhawr jeer u sheegay isaga oo sidoo kalena qirtay inuu taageero kooxda tababare Jurgen Klopp uu iska casilayo dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Jurgen Klopp ayaa gacmo furan kusoo dhoweeyey in Sven-Goran Eriksson uu yimaaddo Anfield, waxaana uu soo jeediyey inuu kasoo xaadiro oo uu waliba maamulo ciyaartoyda Liverpool kulanka halyeeyada ee bisha March ka dhici doona garoonka Anfield.