Manchester United iyo Juventus ayaa laga yaabaa inay ku lug yeeshaan mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ugu xiisaha badan suuqa kala iibsiga jiilaalka.
Qorshaha weyn ee hadda socda ayaa ah in labada koox ay is dhaafsadaan weeraryahanada Joshua Zirkzee iyo Dusan Vlahovic.
Labada kooxood ayaa wadahadalo horumar leh ku jira si ay u dhamaystiraan heshiis ay kooxda Ingariiska ku heli karto weeraryahanka Serbian-ka ah, halka kooxda Talyaanigu heli doonto da’yarka reer Holland ee hore ugu soo ciyaaray kooxda Serie A ee Bologna.
Is dhaafsiga kooxaha Manchester United iyo Juventus ayaa la mimco ah in Old Trafford, lagu soo dhaweeyo Vlahovic oo ah gooldhaliye awood badan oo muddo dheer lala xiriirinayay kooxaha Premier League.
Dhanka kale, Juventus ayaa aad u qiimeysa awooda Joshua Zirkzee, ciyaaryahanka reer Holland ayaa durba soo bandhigay awood cajiib ah waqtigiisii Serie A ee uu u ciyaaray kooxda Bologna.
Joshua Zirkzee mustaqbkiisa Man United ayaa soo dhamaaday sida muuqata, iyadoo tababare Amorim uu hore u muujiyay inuusan qorshaha ugu jirin ciyaaryahanka.