Sida lagu sheegay warbixin Isbaanish-ka kasoo baxday, xiddiga Galacticos iyo xulka Brazil Rodrygo ayaa ku jira qorshaha Edu suuqa kala iibsiga Arsenal.
Xiddiga todobaadkii qaata 200,000 oo bound ayaa laga yaabaa inuu macsalaameeyo Madrid, kadib markii uu bartilmaameed u noqday kooxda ka dhisan Premier League maalmihii lasoo dhaafay.
Waxaa la rumeysan yahay in kooxda Carlo Ancelotti ay si dhab ah uga fikireyso iibkiisa bisha Janaayo, iyadoo Arsenal ay diyaar u tahay inay dalab ka gudbiso Rodrygo.
Labada kooxood ee Gunners iyo Liverpool ayaa lagu tilmaamay kooxaha safka hore kaga jira tartanka loogu jiro Rodrygo, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan ku heli karin heshiis fudud 23-sano jirkaan
Xiddiga reer Brazil ayaa ku kici karo ku dhawaad 136 milyan ginni, kaasoo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa sida laga soo xigtay shabakada Marca.
Agaasimaha ciyaaraha Arsenal Edu oo ay isku dal kasoo jeedaa ciyaaryahanka Real Madrid ayaa la filayaa inuu gudbiyo sida ugu dhaqsiyaha badan dalabka ay kooxdiisa ku dooneyso Rodrygo.