Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay dhameystirto heshiiska daafaca Lecce ee Patrick Dorgu.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Ruben Amorim ka hor maalinta kama dambeysta ah ee suuqa kala iibsiga january.
Patrick Dorgu, wuxuu noqon doonaa saxiixii ugu horreeyay ee Man Utd suuqa kala iibsiga 2025 ay ka sameyso, iyadoo wadahadalka labada koox hadda uu joogo heer gabagabo ah.
Man Utd ayaa haatan ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, waxana laga badiyay 7 kulan oo ka mid ah 17 kulan oo uu Amorim hogaaminayay tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting CP bishii November.
Dorgu ayaa u soo muuqday bartilmaameed muhiim ah oo Man Utd u aragtay mid qeyb ka noqon kara dib u dhiska kooxda, waxaana hadda ay ku dhaw yihiin heshiis in ay la gaaraan Lecce, sida laga soo xigtay saxaafada talyaaniga.
Labadii dalab ee ugu horreeyay Manchester United ay ka gudbisay daafacaan ayaa lasoo diiday, iyadoo hadda kooxda Amorim lagu kalsoon yahay in ay heshiis la gaari karaan ciyaaryahanka.