Taageerayaasha Chelsea ayaa ku booriyay kooxdooda inay isku daraan Axel Disasi iyo Joao Felix si ay ugu soo bedeshaan weeraryahanka Aston Villa Jhon Duran ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Blues ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay si aad ah loola xiriirinayay dhowr weeraryahan, Duran ayaana weli ah bartilmaameedka ugu sarreeya ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixiisa xagaagii hore.
Xiddiga reer Colombia waxaa hore u diiday iibintiisa kooxdiisa Aston Villa, laakiin waxaa doonaya hadda kooxo badan oo ay ku jiraan kooxda Saudi Pro League ee Al-Nassr iyo kooxda Premier League ee West Ham United.
Chelsea ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa Duran bishaan, waxaana ay dhawaan wax ka weydiisay kooxdiisa Aston Villa, sida laga soo xigtay TBR Football.
Kooxda Unai Emery ayaa wadahadalo firfircoon kula jirta daafaca Chelsea Axel Disasi oo ay ku doonayaan amaah, halka garabka Blues Joao Felix sidoo kale lala xiriirinayo Villa Park xilli ay jiraan warar sheegaya in Emiliano Buendia uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Bayer Leverkusen.
Iyadoo Disasi iyo Felix ay labadooduba suurtagal tahay inay ku biiraan Aston Villa ka hor maalinta kama dambaysta ah, tiro ka mid ah taageerayaasha Chelsea ayaa u hanqal taagaya in kooxdoodu ay gaarto heshiis ay Duran ku keenayso Stamford Bridge.
Intaas waxaa sii dheer, talkSPORT ayaa daaha ka qaaday in heshiis is dhaafsi ah oo u dhexeeya Felix iyo Duran uu noqon karo mid meesha ku jira, iyadoo Villa ay isha ku heyso xiddiga caalamiga ah ee Portugal.