Xilli ciyaareedka Champions League ayaa galaya caawa wareegyadii ugu xiisaha badnaa iyadoo la ciyaarayo lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Champions League.
Supercomputer-ka Opta ayaa saadaaliyay kulamada wareega 8da ee Champions League iyo afarta kooxood ee ay saadaalinayaan inay u soo bixi doonaan wareega afar dhamaadka.
Kulamada weyn ee Real Madrid iyo Manchester City, Opta waxay saadaalisay in Man City ay ka soo gudbi doonto Los Blancos, iyagoo kooxda Pep Guardiola siiyay fursad boqolkiiba 60 oo ay ugu soo bixi karaan semi-finalka halka ay Real Madrid siiyeen kaliya fursad boqolkiiba 40.
Kulanka kale ee Bayern Munich iyo Arsenal, Opta waxay saadaalisay in kooxda Premier League ee Arsenal inay ka soo gudbi doonto Bayern Munich iyagoo Arsenal siiyay fursad ay ku soo bixi karaan boqolkiiba 58.5.
Barcelona iyo Parsi Saint-Germain, waxay Opta saadaalisay in kooxda Faransiiska ee PSG inay ka soo gudbi doonto kooxda reer Spain ee Barcelona.
Halka ay sidoo kale saadaaliyeen in Borussia Dortmund ay ka soo bixi doonto Atletico Madrid una soo gudbi doonto wareega sideed dhamaadka.
Waxay saadaaliyeen in Man City, Arsenal, PSG iyo Borussia Dortmund ay isagu soo hari doonaan wareega afar dhamaadka.
Waxay saadaaliyeen in Manchester City ay difaacan doonto koobka Champions League xilli ciyaareedkan iyagoo siiyay fursad ah boqolkiiba 28.3.