Supercomputer ayaa saadaal ka sameeyey natiijooyinka kulamada ugu dambeeya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee kooxaha xafiiltanku ka dhexeeyo ee Arsenal oo hoggaanka haysa iyo Manchester City oo dhibic kaliya ka dambaysa.
Toddobaadkan ayey kooxaha Arsenal iyo Manchester City iskugu jawaabeen guulo ay ka kala gaadheen Tottenham iyo Nottingham Forest, waxaanay Gunners kusii dhowaanaysaa dhamaadka iyadoo hoggaanka haysa, balse waxa culays ku haysa Man City oo hal dhibic ka dambaysa balse haysata hal kulan oo baaqi u ah.
Liverpool oo hore loollanka ugu jirtay, ayaa ka baxday labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay guul-darro iyo barbarro la kala galeen Everton iyo West Ham, waxaanay taasi tartanka koobka horyaalka kali uga dhigtay Arsenal iyo Man City.
Supercomputer ayaa saadaal ka bixiyey natiijooyinka kulamada u hadhsan labada kooxood ee Arsenal iyo Manchester City, waxaana uu ka farxiyey Pep Guardiola halka uu Mikel Arteta murugo iyo oohin ugu sii bushaareeyey.
Arsenal waxa saddexda kulan ee u hadhay ay la ciyaari doontaa Bournemouth, Manchester United iyo Everton, halka Manchester City ay afarta ciyaarood ee baaqiga u ah la dheeli doonto Wolves, Fulham, Tottenham iyo West Ham.
Supercomputer waxa uu saadaashiisa ku sheegay, in Arsenal ay dhibco lumin doonto saddexda ciyaarood ee u hadhsan isla markaana ay Manchester City heli doonto fursad cidhiidhi ah oo ay horyaalka kuq aaddo.
Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer ee sida uu ku dhamaanayo horyaalka Premier League