Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee noqday tartan ay saddex faras isku hayaan, iyadoo Axaddii ay Liverpool lumisay laba dhibcood oo sabab u noqday in Arsenal ay hoggaanka sii hayso.
Saddexda kooxood ee Arsenal, Liverpool iyo Manchester United waxa ay kala horreeyaan hal dhibic kaliya, taas oo ka dhigan in naadi walba uu hoos usoo dhici doono haddii uu dhibco lumiyo kulamada soo socda.
Liverpool oo ahayd kooxda gacanta sare lahayd ciyaartii Old Trafford, ayaa waxa ay barbarro 2-2 ah la gashay Manchester United, halka Arsenal iyo Manchester City ay 3-0 iyo 4-2 kusoo garaaceen kooxaha Brighton iyo Crystal Palace.
Supercomputer ayaa kaddib natiijooyinkan, waxa uu soo saaray saadaal cusub oo uu ku sameeyey horyaalka Premier League, waxaana uu beddelay saadaashiisii ugu dambaysay iyadoo hadda uu horyaalka u hibeeyey Arsenal.
Sida saadaasha Supercomputer ay muujinayso, Arsenal ayaa waxa ay xilli-ciyaareedka ku dhamaysan doontaa 87 dhibcoodiyo waliba toban gool oo nadiif ah, halka Liverpool ay noqon doonto kooxda labaad oo ay iyaguna yeelan doonaan 87 dhibcood laakiin ay farqiga goolasha ka hoosayn doonaan Arsenal, waxaanay Reds haysan doontaa 52 gool halka Gunners ay 62 gool ku dhamaysan doonto xilli-ciyaareedka.
Manchester City ayaa laba dhibcood ka dambayn doonta kooxda horyaalka ku guuleysanaysa ee Arsenal, halka Tottenham ay afraad ku dhamaysan doonto.
Heerka labaad ayay u dhici doonaan saddexda kooxood ee Sheffield United, Burley iyo Luton Town.
Saadaasha Supercomputer ee usbuucan: