Fursadaha Arsenal ee hanashada horyaalka ayaa hoos u dhacay ka dib guuldarradii Bournemouth. Supercomputer-ka wuxuu saadaaliyay in Liverpool ay la tartami doonto Man City.
Fursadaha Arsenal ee hanashada horyaalka Premier League ayaa hoos u dhac weyn soo gaaray kadib guuldarro ka soo gaartay Bournemouth sabtidii, iyadoo supercomputer uu shaaca ka qaaday saameynta weyn ee ay guuldaradaasi ku yeelatay hammigooda Premier League.
Gunners-ka ayaa laba jeer ku dhamaysatay kaalinta labaad iyagoo ka dambeeyay Man City oo ku guulaystay horyaalka sannado isku xiga. Arsenal ayaa isku dayaysa inay xilli ciyaareedkan ku guulaysato horyaalka, balse waxa kale oo ay la kulmi doonaan halis dhab ah oo ka imaanaysa Liverpool.
Arne Slot iyo kooxdiisa Liverpool ayaa noqday kuwa lama filaan ah oo hoggaaminaya miiska kala sarreynta horyaalka iyadoo tababaraha reer Holland uu ku bilowday nolosha Premier League qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.
Guushii 2-1 ee ay ka gaareen Chelsea ayaa Reds-ka ku sii haysa hoggaanka horyaalka ayagoo hal dhibic ka horreeya Man City. Waxaa kaloo ay sidoo kale afar dhibcood ka sareysaa Arsenal oo ku jirta kaalinta saddexaad – taas oo noqon karta toddoba dhibcood marka ay labada kooxood kulmaan Axadda.
Mikel Arteta ayaa si aad ah ugu han weyn inuu horyaalka Premier League ku hogaamiyo Arsenal, laakiin guuldarradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka ayaa shaki gelisay fursadahooda ku guuleysiga koobkan, iyadoo supercomputer-ka Opta uu shaaca ka qaaday in Arsenal ka liidato saadaashii la filayey.
Goolkii waqtiga dheeriga ahaa ee uu John Stones ka dhaliyay Molineux ayaa saddexda dhibcood u xaqiijiyay Man City, taas oo fursadahooda hanashada horyaalka kor u qaaday boqolkiiba 6.1.
Dhanka kale, guushii ay Liverpool ka gaareen Chelsea ayaa ku filnayd inay hoggaanka horyaalka sii haystaan, iyadoo ay heleen boqolkiiba 2.2 fursad dheeri ah oo ay ku hanan karaan horyaalka xilli ciyaareedkan.
Haddii Slot uu Reds ku hogaamiyo hanashada horyaalka Ingiriiska, markaas waxay noqon doontaa mid ka mid ah sheekooyinka ugu xiisaha badan ee taariikhda horyaalka, waxaana Opta ay saadaalisay inay boqolkiiba 13 fursad u leeyihiin inay sidaas sameeyaan.
Saadaasha horyaalka ee Supercomputer-ka: Man City (75.5%)
Liverpool (13%)
Arsenal (11.3%)
*Xogtan waxaa bixisay Opta.