Steven Gerrard ma uusan ka waaban magacaabista labadii ciyaaryahan ee kaliya uu ‘ka baqay’ intii uu ku jiray waayihiisii cajiibka ahaa.
Halyeeyga Liverpool ayaa sheegay in intii uu ciyaaraha ku jiray uu ka baqi jiray kaliya laba ciyaaryahan.
Gerrard, oo 17 sano ku qaatay Anfield kaddib markii uu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed ee liverpool, ayaa la ciyaaray qaar ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa abid.
Wuxuu qaaday Champions League 2005 isagoo hogaaminaya Liverpool, inkastoo uusan waligiis ku guuleysan koobka Premier League.
Gerrard wuxuu ku matalay xulka England 114 kulan, isagoo u dhaliyay 21 gool, wuxuuna xulka u ahaa kabtan saddex tartan oo waaweyn.
Wuxuu 18-kii bilood ee ugu dambeeyay waayihiisa ciyaareed ku qaatay kooxda Major League Soccer ee LA Galaxy, kaddib markii uu ka tagay Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkii 2014/15.
Wuxuu la yeeshay dagaallo taariikhi ah kooxaha Manchester United iyo Arsenal, sidoo kale wuxuu ka hor yimid kooxo waa weyn oo Yurub ah sida Barcelona, Real Madrid, AC Milan, iyo Bayern Munich.
Si kastaba ha ahaatee, Gerrard wuxuu sheegay in ay jiraan laba ciyaaryahan oo kaliya oo uu waligiis ‘ka baqay’ intii uu ciyaaraha ku jiray.
Isagoo la hadlayay Daily Mirror ka hor finalkii Champions League ee 2015 oo ay isku wajahayeen Juventus iyo Barcelona, Gerrard wuxuu magacaabay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo inay yihiin labada ciyaaryahan ee uusan waligiis jeclaysan inuu ka hortago.
Gerrard ayaa sharraxay:
“Waxaan ku nool nahay xilli ay Messi iyo Ronaldo gaarsiiyeen weerarka heer aan waligeen hore u arkin.
“Doorashada midkood waxay la mid tahay inaad doorato Pele iyo Maradona, sababtoo ah waxay sameynayaan tirooyin layaab leh.
“Waa labada ciyaaryahan ee kaliya ee aan ka baqay intii aan ciyaaraha ku jiray, sababtoo ah waxay u shaqeeyaan heer ka duwan ciyaartoyda kale. Sababta aan uga baqay waa inay aad uga halis badan yihiin saddexda qeyb ee dambe ee garoonka.”