Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa digniin u iray xiddigaha xilli ciyaareedka xun ku jira ee reer Manchester Marcus Rashford iyo Jack Grealish isagoo u sheegay in booskooda xulka ee tartanka Euro 2024 inuusan hubaal aheyn.
Waxaana ugu wacan xiddigaha qaab ciyaareedka wanaagsan ku jira ee Jarrod Bowen iyo Anthony Gordon kuwaasoo ciyaari doona kulamada saaxiibtinimo ee todobaadka soo socda ay la ciyaarayaan Brazil iyo Belgium.
Xiddiga Man United Rashford ayaa dhaliyay kaliya todoba gool xilli ciyaareedkan isagoo ku jira xilli ciyaareed uu aad u liito.
Xiddiga Man City Grealish ayaa isna waqti adag ku jira madaama ay isagu darsameen qaab ciyaareed xumo iyo dhaawacyo, wuxuuna dhaliyay kaliya seddex gool.
Dhaawac gumaarka ah oo soo gaaray ayaa looga reebay xulka England ee ciyaaraya todobaadka soo socda.
Dhanka kale Bowen ayaa 18 gool u dhaliyay West Ham xilli ciyaareedkan, halka Gordon uu toban jeer shabaqa u soo taabtay Newcastle.
Waxaa iyagana wacdarro dhigaya Phil Foden oo Man City ah iyo Cole Palmer oo Chelsea u dheela.
Isagoo ka hadlayay Rashford, tababaraha England Southgate ayaa yiri: “Dagaal adag oo uu la galayo Gordon, Cole Palmer iyo Phil Foden ayaa sugaya. Tartan adag ayuu galayaa, si la mid ah Jack Grealish.
“Wiilashaan waxay u ciyaarayaan si aad u wanaagsan. Gordon iyo Bowen, si joogta ah ayay goolal u dhalinayaan, wacdarro ayayna ka dhigayaan kooxahooda, kubada way difaacan karaan, si adag ayay u shaqeeyaan, waa kuwa dhameystiran.
“Cidna uma balanqaadi karo booskooda Euro 2024
“Waan ogsoonahay tayada Marcus Rashford, laakiin qof walba waa inuu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo haatan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”