Liverpool ayaa si cajiib ah ku bilaabatay waayaha Arne Slot, waxay aadeen fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ee Octobar, iyagoo ah hogaamiyaasha Premier League.
Sagaal guulood ayuu xareystay tobankii kkulan ee ugu horeeyay tartamada oo dhan tababaraha Dutch-ka uu hogaamiyay Liverpool, laakiin kkulao xiriir ah oo adag ayaa kusoo wajahan Reds maalmaha soosocda.
Slot wuxuu jeclaan lahaa inuu inta ugu badan xiddigaha kooxda koowaad helo ka hor kulamada adag ee ay isku diyaarineyso kooxdiisa.
Alisson oo ka mid ah goolhayayaasha ugu tayada badan adduunka sidookale waa mid ka mid ah kuwa ugu dhaawaca badan. Xiddiga reer Brazil ayaa wajahaya xaalad kale ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Reds kooxda Crystal Palace ka hor fasaxa caalamiga ah.
Alisson ayaa laga saaray ciyaarta inta lagu guda jiray, waxaana uu haatan maqnaan karaa lix usbuuc, iyadoo dhamaadka bisha November soo laabashadiisa lagu qiimeeyay.
Dhinaca kale Alexis Mac Allister ayaa jamaahiirta Liverpool ka nixiyay markii uu soo gaaray dhaawac gumaarka ah kulankii Selhurst Park.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa looga yeeray qaranka Argentina inkastoo oo walaac laga muujiyay taam ahaanshihiisa buuxa.
Si kastaba ha ahaatee, Mac Allister oo ka soo muuqday kulankii ugu dambeeyay ee Argentina 6-0 kaga badisay Bolivia, waxa uu diyaar u noqon doonaa kulanka Chelsea ay booqan doonto Liverpool Axada.
Sidookale Federico Chiesa oo ahaa xidigii ugu fiicnaa xagaagii suuqa kasoo qaadatay Liverpool ayaa isna dhaawac qaba, ninka reer Italy oo wali ciyaarin daqiiqado badan waxaa soo gaaray dhaawac.
Slot ayaa si taxadar leh uga fiirsanaya dhaawaciisa, isagoo seegay kulamadii Bologna iyo Palace la ciyaarta Liverpool.
Inkastoo Slot uusan faahfaahin xaalada dhaawaciisa, wuxuu xaqiijiyay Chiesa inuu ku soo laaban doono kooxda sida ugu dhaqsiyaha badan.
“Ma filayo in uu maqnaan doono waqti aad u dheer,” ayuu yiri ninka reer Holland ka hor kulanka Chelsea ee axada.