Halyeeyga Real Madrid, Hugo Sanchez, ayaa sheegay in xiddiga kooxda ee Kylian Mbappe uu helay “caawin xirfadeed” intii uu la tacaalayay sidii uu ula qabsan lahaa qaabka loo ciyaaro kubadda cagta Spain.
Mbappe, oo inta badan weerarka kaga ciyaari jiray garabka bidix inta uu xirnaa maaliyada PSG, ayaa hadda qasab ku noqotay inuu ciyaaro booska weeraryahanka dhexe ee Real Madrid. Si kastaba, wuxuu hadda ku fiican yahay booskaas, isagoo saddexley ka dhaliyay kulankii isreebreebka ee Manchester City.
Sanchez wuxuu rumeysan yahay in caawinaad xirfadeed loo baahnaa si loo bilaabo safarka xiddiga reer France.
“Ciyaartoyda waaweyn waa inay la qabsadaan saaxiibo cusub iyo nolol ka duwan tii hore. Ma aha oo kaliya arrimaha ciyaaraha balse sidoo kale kuwa aan ciyaaraha ahayn. Waxaan hubaa in Mbappe uu helay caawin xirfadeed,” ayuu u sheegay El Larguero.
Caawintaas ayaa runtii faa’iido badan u yeelatay, maadaama qaab ciyaareedka Mbappe ee Real Madrid uu sii hagaagayo toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Dhanka kale, habeen xiiso leh oo Champions League ah ayaa lagu soo gabagabeeyay Santiago Bernabéu, iyadoo Real Madrid ay 2-1 kaga badisay Atlético Madrid.