Ciyaartoyda Manchester United ayaa lagu waramayaa inay shaki ka qabaan in Erik ten Hag uu sii ahaan doono tababaraha kooxda wixii ka danbeeya xilli ciyaareedkan.
Shayaadiinta Cas Cas ayaa waxaa soo gaartay guuldaradoodii 16aad ee xilli ciyaareedkan ee tartamada oo dhan, iyagoo guuldarro 3-1 kala kulmay Man City kulankii Premier League ee ka dhacay Etihad Stadium.
Guuldarradaan ayaa la micno ah in United ay 11 dhibcood ka danbeyso kooxda kaalinta afaraad ee Aston Villa, halka ay lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta shanaad ee Tottenham. Spurs waxaa u harsan kulan marka loo eego kooxda Ten Hag.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in ciyaartoyda Man United ay weli yihiin kuwa taageeraya Ten Hag inkastoo ay cabasho ka qabeen shaqada badan ee ay qabanayaan gaar ahaa jadwalkooda tababarka. Laakiin ciyaartoyda ayaa shaki weyn ka qaba in Ten Hag uu sii ahaan doono tababaraha kooxda xilli ciyaareedka danbe.
Waxay filanayaan in shirkada saamiga ka iibsatay kooxda ee INEOS ee uu hogaamiyo Sir Jim Ratcliffe inay ceyrin doonaan tababaraha reer Holland ka dib labo xilli ciyaareed uu kooxda joogay.
Ten Hag ayaa wadahdalo dhowr ah la yeeshay Ratcliffe iyo agaasimaha isboortiga Sir Dave Brailsford.
Tababaraha United ayaa dhawaan sheegay inuusan u baahneyn codka kalsoonida ee Ratcliffe, isagoo yiri: “Halkaan ayaan joogaa, qandaraaskeyga waa seddex sannadood sidaasi darteed waxba igama gelin waxa socda. Waxaan diirada saarayaa shaqadeysa, waxba igama gelin waxa hareeraheyga ka socda.”
Sida ay sheegtay Daily Mail, Ten Hag ayaa aqbalay in mustaqbalkiisa uu yahay mid hubanti la’aan ah. Tababarihii hore ee Ajax ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay shaqaalaha tababarka inuu ka warqabo inuu waayi karo shaqadiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.