Vinicius Jr. ayaa lagu soo waramayaa inuu gudbin karo dalab cusub oo sababi kara inuu diido heshiis kordhin uu la galo Real Madrid, isaga oo doorbidaya inuu u wareego Sucuudiga.
Todobaadyadii ugu dambeeyay, Los Blancos ayaa la xiriirtay garabka reer Brazil si ay u ogaadaan dalabyadiisa ku aaddan heshiiska cusub, maadaama ay doonayaan inay sii haystaan ciyaaryahanka muddo dheer. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada ayaa weli ku jira heerarkii hore, waxaana jira cabsi ku saabsan in haddii shuruudihiisa la waayo, uu dooran karo fursado kale.
Kooxaha ka dhisan Sucuudiga oo muddo dheer la socday Vinicius ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u yihiin inay miiska saaraan dalab aan caadi ahayn. Waxaa la sheegay in Real Madrid ay heli karto dalab gaaraya ilaa €400 milyan (£335m/$431m), halka Vinicius isna loo bandhigi karo heshiis cajiib ah oo gaaraya €1 bilyan (£837m/$1.1bn), taas oo noqon doonta heshiiska ugu weyn taariikhda kubadda cagta.
Sida laga soo xigtay Cadena Ser, inkastoo lacago waaweyn ay soo bandhigeen kooxaha Sucuudiga, Vinicius ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday shuruudo gaar ah haddii uu tixgelinayo inuu u wareego sacuudiga. Wuxuu doonayaa heshiis gaaban oo u dhexeeya laba ilaa saddex sano halkii uu ogolaan lahaa heshiisyada shanta sano ah ee caadiyan loosoo bandhigo ciyaartoyda waaweyn.
Qorshahan ayaa u oggolaanaya inuu kasbado lacag aan caadi ahayn isagoo weli haysta fursad uu ugu soo laabto kubadda cagta Yurub xilliyada ugu fiican xirfaddiisa. Mas’uuliyiinta Sucuudiga iyo wakiillada Vinicius ayaa horey ugu kulmay magaalada Prague sanadkan, balse weli lama oga inay diyaar u yihiin inay aqbalaan heshiiska muddada-gaaban ah ee uu dalbaday.