Sir Jim Ratcliffe ayaa ka gaabsaday su’aal laga weydiiyey mustaqbalka tababare Erik ten Hag oo la sheegayo in shaqada laga caydhinayo, inkasta oo uu Axaddii u qaaday koobka FA Cup oo ay 2-1 ku garaaceen Manchester City.
Maalqabeenka reer Britain oo ku sugnaa garoonka Wembley Stadium iyadoo ay ag-fadhiyeen Sir Alex Ferguson iyo masuuliyiin kale oo kooxda ah ayaa waxa uu ammaan u jeediyey ciyaartoyda kooxda markii ay koobka ku guuleysteen, laakiin waxa uu diiday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyey Erik ten Hag.
Red Devils oo ay labada gool u kala dhaliyeen Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo ayaa waxa Sir Jim Ratcliffe uu isaga oo guushooda ammaanaya yidhi: “Waa dareen wanaagsan in aanu ku guuleysano FA Cup oo aanu ku qaadno Wembley.
“Manchester United ma ahayn kooxda la saadaalinayey maanta [shalay], laakiin waxa ay u ciyaareen si ka go’naansho dhab ah iyo xirfad ku dheehan tahay oo ay kaga adkaadeen mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan kubadda cagta.”
Wariyaha ayaa hordhigay Sir Jim Ratcliffe su’aal ahayd haddii shaqada laga eryayo amaba loo deynayo tababare Sir Alex Ferguson, laakiin Sir Jim Ratcliffe ayaa iskaga dhaqaaqay wariyaha oo diiday inuu ka jawaabo su’aasha.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay ka dhigan tahay in Erik ten Hag lagu samayn doono qiimayn toddobaadka dambe ah isla markaana laga gaadhi doono go’aan ay u badan tahay in uu noqon doono shaqo ka caydhin.