Manchester United ayaa wada-hadallo kula jirta tababaraha reer England ee Graham Potter oo ay doonayaan inay ku beddelaan Erik ten Hag oo uu saluugsan yahay Sir Jim Ratcliffe oo la wareegay maamulka kooxda, isla markaana qorshaynaya inuu isbeddello badan ku sameeyo naadiga.
Tababarihii hore ee Chelsea iyo Brighton ee Graham Potter ayaa waxa ay kulmeen Dan Ashworth oo ah agaasimaha cusub ee ciyaaraha ee hagi doona Manchester United xagaaga soo socda, kaas oo doonaya inuu ka takhaluso Ten Hag.
Potter oo ay da’diisu tahay 48 jir ayaan wax shaqo ah qabannin tan iyo markii ay Chelsea shaqada ka caydhisay sannadkii hore, waxaana haddii loo magacaabo Manchester United uu xiddigo muhiim ah kasoo afduuban doonaa Blues, sida Trevoh Chalobah oo uu ku xoojin doono difaaciisa.
Chalobah ayaa xilli-ciyaareedkan oo dhan, waxa uu Chelsea u dheelay 116 daqiiqadood oo kaliya, waxaana dhamaad ku dhow qandaraaskiisa, laakiin kalidii ma aha ciyaartoyda ay Man United la saxeexan doonto waxaase uu Graham Potter weerar ku qaadi doonaa kooxdiisii hore ee Brighton oo uu iyadana kasoo qaadan doono difaaca bidix ee Pervis Estupinan.
Diogo Dalot iyo Lisandro Martinez ayaa xajisan doona boosaskooda, laakiin waxa uu meesha ka saari doonaa Varane, Maguire, Shaw iyo Malacia oo dhaawacyo iyo bandhig liita ay iskugu darsameen.
Waxa kale oo Potter uu kalsooni siin doonaa goolhaye Andre Onana, halka khadak dhexe uu lama-taabtaan ka dhgii doono Kobbie Mainoo iyadoo Casemiro iyo Scott McTominay ay lumin doonaan boosaskooda, waxaana Mainoo lagu ladhi doonaa Billy Gilmour.
Weerarka waxa lama-taabtaan u noqon Alejandro Garnacho oo ay jecel yihiin taageereyaasha kooxdu, halka Bruno Fernandes uu kaydka u dhici doono, waxaana booskiisa geli doona Julio Encisco oo uu tababare Graham Potter taageere u yahay isla markaana hore ugu soo layliyey Brighton.
Weerarka dhexe ayaa waxa ay Manchester United ka samayn doontaa isbeddel, waxaanay la saxeexan doontaa Ferguson oo booska kala bixi doona Rasmus Hojlund.
Halkan kaga bogo shaxda uu Graham Potter ku ciyaarsiin doono Man United