Manchester United ayaa la sheegay in ay tababaraheeda cusub u magacaabayso macallinkii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane oo ay ku dedaalayaan in ay ku qanciyaan inuu yimaaddo Old Trafford oo dhawr jeer oo horena lala xidhiidhiyey.
Zinedine Zidane oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo badhtamaha sannadkii 2021 oo ahayd waqtigii uu iska casilay Real Madrid, ayaa waxa la sheeay in Man United ay doonayso inay kubeddesho Erik ten Hag.
Dhowaan waxa saxaafadda la hadlay laacibkii hore ee reer Brazil ee Julio Baptista oo ay Zinedine Zidane u wada ciyaari jireen Real Madrid, waxaana uu xusay inay suurtogal tahay inuu la wareego Old Trafford isaga oo ku tilmaamay tababaraha ugu habboon.
Inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan, in Bayern Munich ay doonayso in Zinedine Zidane uu noqdo tababaraheeda cusub, sidoo kalena uu Franck Ribery u noqonayo ku-xigeen, ayaa waxa ay jamaahiirta Manchester United is-weydiinayaan waxa uu ula iman doono haddii uu yimaaddo kooxdooda.
Zinedine Zidane ayaa la sheegay in haddii uu yimaaddo Manchester United in uu bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigan doono xiddiga khadka dhexe ee England ee Jude Bellingham oo xagaagii ay Real Madrid £88.5 milyan oo Gini kusoo iibsatay.
20 jirkan oo 31 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid u dhaliyey 20 gool iyo sagaal kale oo uu caawiye ka noqday ayaa waxa hore ammaan ugula dul-dhacay Zidane oo ku sheegay ciyaartoy aad u wanaagsan.
Waxa kale oo uu Zinedine Zidane keeni doonaa Old Trafford xiddiga Real Madrid ee Rodrygo oo uu isagu hore ugu soo gardaadiyey Santiago Bernabeu, si uu weerarka uga garab ciyaaro Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund.
Waa tan shaxda Manchester United uu ku ciyaarsiin doono Zinedine Zidane?