Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaadho tababaraha reer Netherlands ee Arne Slot oo beddelaya Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegi doona kooxdiisa Liverpool ee uu sagaalka sannadood laylinayey.
Liverpool ayaa hore loola xidhiidhinayey Xabi Alonso iyo Ruben Amorim, hase yeeshee waxa si lama filaan ah usbuucan diiraddooda usoo galay tababaraha kooxda Feyenoord ee Arne Slot oo ay u dhow yihiin shaacinta heshiiskiisa.
Reds ayaa waxa ay ku jirtay mashquul tababare raadin ah qaybtii dambe ee xilli-ciyaareedkan, waxaana dhawr macallin ay ku loollameen Bayern Munich iyo Barcelona oo iyagana tababareyaashoodu ay sheegeen inay tegayaan inkasta oo Xavi Hernandez uu beddelay go’aankiisa.
Slot oo kooxdiisa Feyenoord u sameeyey qaab ciyaareed qurux badan oo u dhow midka Liverpool oo kale, isla markaana naadigiisa u qaaday horyaalka Eredivisie oo uu ka riixday Ajax oo sannado xidhiidh ahaa ku guuleysanaysay, ayaa waxa la isweydiinayaa sida ay noqon doonto shaxdiisa Liverpool marka uu yimaaddo Anfield.
Marka koowaad, tababare Arne Slot waxa uu ku dheelaa qaab-ciyaareed ku dhisan weerar iyo khad dhexe oo ah 4-2-3-1, taas oo weeraryahannada siisa fursado ay goolal badan ku dhaliyaan, waxaana labadan qaab uu ku adeegsaday kooxdiisa hadda ee Feyenoord iyo naadigiisii hore ee AZ Alkmaar, balse Liverpool ayaa waxa ay caadiyan ku dheeshaa qaab ah 4-3-3.
Haddii ay taam ahaadaan, saddexda ciyaartoy ee Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold iyo Andy Robertson ayaa xajisan doona boosaskooda, balse waxa aanu sidoo kale taaban doonin Ibrahima Konate iyo Virgil van Dijk.
Khadka dhexe ayaa waxa uu hore u riixi doonaa Dominik Szoboszlai oo uu isagana la tartansiin doono Teun Koopmeiners oo hadda uu ku layliyo kooxdiisa Feyenoord kaas oo uu doonayo inuu keeno Anfield oo uu khadka dhexe ee kubbad-samaynta kala ciyaaro Szoboszlai, balse waxa uu sidoo kale dalban doonaa weeraryahanka Feyenoord ee Santiago Gimenez oo 24 gool u dhaliyey kooxdaas 40 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay.
Dhaawacyada ku badan Diogo Jota iyo Darwin Nunez oo gool-dhalintu ku adkaatay ayaa ku kallifi doona Arne Slot in uu sameeyo saxeex cusub oo weerarka dhexe uu ku aamino.
Mohamed Salah oo lala xidhiidhinayo kooxaha horyaalka Sucuudiga ayaa uu Arne Slot ku riixi doonaa naadigiisa in la iibiyo maadaama ay da’diisu tahay 31 jir, waxaana lacagta ay kooxdu ka hesho uu u adeegsan doonaa Jarrod Bowen oo u ciyaara West Ham ama Pedro Neto oo Wolves u dheela.
Waatan shaxda Liverpool uu ku ciyaarsiin doono tababare Arne Slot