Kaddib markii ay maanta soo baxeen wararka sheegaya in Real Madrid ay heshiis la gaadhay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, inasta oo mar dabe uu laacibkani beeniyey ayaa waxa haddana la sameeyey shaxda suurtogalka ah ee ay Real Madrid ku ciyaari doonto haddii ay gacanta ku dhigto laacibkan.
Wargeyska Foot Mercato ayaa maanta shaaciyey heshiiska, ka hor intii aanu Mbappe ka daba hadal, isaga oo ku adkaystay in aanu wali gaadhin go’aan.
Real Madrid ayaa dedaal badan ku bixinaysa inay la saxeexato Kylian Mbappe oo ay horeba dhawr jeer ugu guul-darraysatay sida waqtigii uu u ciyaarayay Monaco iyoo sannadkii 2022 oo isaga oo qarka u saaran Los Blancos uu mar kaliya ogolaaday inuu sii joogo PSG.
Labadii sannadood ee heshiiska ahaa ee uu saxeexay Kylian Mbappe sannadkii 2022, waxa ay ku egyihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana la sugayaa go’aankiisa kama dambaysta ah, hase yeeshee iyadoo laga duulayo xogta wargeyska Foot Mercato, Mbappe ayaa bisha July ka degi doona Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa noqon doonta kooxda ugu weerarka wanaagsan, iyadoo Mbappe ay garbihiisa ka ciyaari doonaan Vinicius Junior iyo Rodrygo oo uu khadka dhexe ka taageerayo Jude Bellingham oo isagana dhalintiisu badan.
Laba shaxdood oo kala duwan ayay Real Madrid ku ciyaari kartaa, waxaaana aan marnaba garabka bidix loogu tegaynin Vinicius Junior, halka weerarka dhexe iyo garabka bidix ay qaybsanayaan Mbappe iyo Rodrygo Goes.
Halkan kaga bogo labada shaxdood
- Shaxda 1aad
2. Shaxda 2aad