Taageerayaasha Premier League ayaa ku maadeystay sida ay akoonka Twitter ee Chelsea ay u tabiyeen goolashii uu Kai Havertz ka dhaliyay kooxdiisa hore.
Havertz ayaa labo gool dhaliyay iyadoo Arsenal ay 5-0 ku xasuuqday Chelsea ciyaartii xalad oo Talaado aheyd ka dhacday Emirates Stadium.
Wuxuu dhaliyay goolkii seddexaad ee kooxdiisa, isagoo raaciyay waqti yar ka dib goolkii afaraad ee Arsenal.
Havertz ayaa goolkiisii ugu horeysay ee xalay dhaliyay markii uu baas cajiib ah ka helay kabtan Martin Odegaard.
Xiddiga Jarmalka ayaa kubada la garab maray Marc Cucurella ka hor inta uusan shabaqa cusjinin. Waxa uu si weyn ugu hor dabaaldegay taageerayaasha Arsenal oo farxad la kacay.
Chelsea oo akoonkeeda Twitter ku magacowday xiddigihii ka dhaliyay goolka koowaad iyo labaad, ayaa diiday inay magacowdo Havertz ka dib goolkiisa.
“Gool ayay dhalisay Gunners” ayay kooxda ku soo qortay Twitter. Goolkiisii labaad waxay soo qoreen: “Gool ayay dhalisay Arsenal”.
Goal to the Gunners.
— Chelsea FC (@ChelseaFC) April 23, 2024
Labada jeerba akoonka Twitter ee Chelsea waa laga ilaaliyay magaca Kai Havertz taasoo keentay in si weyn loogu maadeystay kooxda Blues.
Taageere ayaa u qoray Chelsea: “Yaa dhaliyay goolka?”
Mid kale ayaa yiri: “Inoo sheega cida goolka dhalisay.”
Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Magaciisa sheega.”
Taageere kale ayaa yiri: “Ha xishoonina inoo sheega cida goolka dhalisay.”
Taageere kale ayaa yiri: “Way xanuunjineysaa in Havertz uu goolasha dhaliyay, waana la jeclahay xanuunkaas.”
Arsenal ayaa seddex dhibcood ku hogaamineysa hogaanka horyaalka Premier League, halka ay afar dhibcood ka sareeyaan Manchester City oo labo kulan ay u harsan tahay.