Gareth Southgate ayaa isha ku hayay shaxdiisa ka hor tartanka Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya Jarmalka, laakiin yaa ku soo baxay shaxdiisa marka lagu qiimeeyay xogtooda xilli ciyaareedkan.
Tababaraha England ayaa markii ugu horeysay u soo yeertay seddex ciyaaryahan xulkiisii ugu danbeeyay kuwaasoo kala ah Kobbie Mainoo, Jarrad Branthwaite iyo Anthony Gordon, laakiin labo ka mid ah seddexdaan waxay shaxda ugu fiican xulka England ku seegeen xogtii la uruuriyay.
Ciyaartooy badan oo caan ah ayaa shaxda oo soo saartay Whoscored ka soo muuqday sida Harry Kane, Jude Bellingham iyo Bukayo Saka, laakiin difaaca ayaa u muuqda mid si weyn uga duwan sidii caadiga aheyd.
Mainoo oo 18 sanno jir ah ayaan shaxda ka soo muuqanin inkastoo uu wacdarro u dhigay Man United, waxaa isna booskiisa shaxda waayay goolhayaha koowaad ee England Jordan Pickford.
Booska goolhayaha ee shaxda ugu fiican England waxaa ku soo baxay Nick Pope, afarta daafac danbe waxaa noqday Trippier, Branthwaite, Tarkowski iyo Trent Alexander-Arnold.
Seddexda khadka dhexe Declan Rice, Jude Bellingham iyo Maddison ayaa ku soo baxay halka seddexda weerar ay noqdeen Pil Foden iyo Bukayo Saka oo garbaha ka dheelaya iyo Harry Kane oo weerarka dhexe ah.