Kooxda Todobaadka Premier league oo lasoo saaray iyadoo liverpool ku leedahay ciyaartoyda ugu badan.
Goolhaye:
Kepa Arrizabalaga (Bournemouth): Wuxuu marar badan badbaadiyay shabaqa kooxdiisa intii lagu jiray guushii 3-0 ay ka gaareen Manchester United.
Daafacyada:
Trent Alexander-Arnold (Liverpool): Aad ayuu ugu fiicnaa dhanka weerarka, isagoo ka qeyb qaatay goolal iyo baasas cajiib ah, inkastoo uu mararka qaar ku liitay daafacashada.
Ola Aina (Nottingham Forest): Gool ayuu dhaliyay wuxuuna si adag u difaacay guushii ay ka gaareen Brentford.
James Tarkowski (Everton): Si deggan ayuu uga shaqeynayaa difaaca Everton, isagoo caqabad ku noqday kooxaha waaweyn sida Arsenal iyo Chelsea.
Dean Huijsen (Bournemouth): Da’yar 19-jir ah oo gool dhaliyay kulankii ugu dambeeyay, isagoo si joogto ah u soo muuqanaya xilli ciyaareedkan.
Khadka Dhexe:
Dominik Szoboszlai (Liverpool): Waxqabad aad u fiican, oo ay ku jirto gool uu ka dhaliyay Tottenham, isagoo muujiyay sababta Liverpool u soo iibsatay.
Matheus Cunha (Wolves): Xiddig joogto ah oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jira, wuxuu muhiim u ahaa guushii Wolves ka gaartay Leicester.
Thomas Partey (Arsenal): Ciyaaryahan aad loogu kalsoon yahay, wuxuu si fiican uga ciyaaray dhowr boos oo kala duwan, isagoo ka caawiyay Arsenal inay ka adkaato Crystal Palace.
Weeraryahannada:
Luis Diaz (Liverpool): Laba gool oo muhiim ah ayuu ka dhaliyay Tottenham, wuxuuna muujiyay inuu yahay xiddig muhiim ah.
Alexander Isak (Newcastle): Weeraryahanka ugu fiican horyaalka Ingiriiska haatan, Newcastle ayuu muhiim u yahay, waana xiddig kooxaha waaweyn ay ku hammiyaan.
Mohamed Salah (Liverpool): Goolal iyo caawimooyin kale ayuu soo bandhigay, isagoo sii xoojinaya muhiimadda uu u leeyahay Liverpool.
Tababaraha:
Andoni Iraola (Bournemouth): Kooxdiisa ayuu keenay kaalinta 5-aad, isagoo guulo waaweyn ka gaaray Arsenal, Manchester United iyo Manchester City. Waxqabad heer sare ah ayuu muujiyay.