Cutubkan labaad ee taxanahan saddexda qaybood ka kooban ee aan ku eegayno sida Rúben Amorim magacaabista tababaraha Manchester United ugu guuleysan karo.
Waxaanu eegi doonaa markaan sida door ugu yeelan karo qof kasta oo kamid ah kooxda falsafada uu isticmaali doono Amorim oo aan ku soo qaadannay qaybtii hore ee taxanaha.
Waxaan si qoto dheer u eegi doonaa boos kasta iyo shaqsiyaadka kusoo bixi kara, waxaan eegi doonaa ciyaartoyda sida ugu fiican ee ay ugu haboonaan karaan boos kasta.
Hordhac: Qaybta 2: Qorshaynta Kooxda
Marka la eego doorashada koowaad, waa qeybta ugu muhiimsan shaxda tababaraha cusub.
Goolhayuhu waa inuu noqdaa mid aad ugu kalsooni badan kubbada, isaga oo awood u leh in uu masuuliyad badan la wadaaga difaaca marka la dhisayo kubadda.
Doorashada koowaad ee booskan ayaa noqon doona Andre Onana, lacag badan ayaa lagula soo wareegay xagaagii hore mana jiro GK kale oo kooxda ka tirsan oo isaga lala barbar dhigi karo marka lasoo qaado magacyada Altay Bayindir iyo Tom Heaton.
Daafaca Bidix iyo Midig
Halkani waa halka ay ciyaartoydu xulahsadoodu xiiso ka yeelan doonto, aniga ahaan waxaan isleeyahay ma jiro qof si cad u noqon kara doorashada kowaad ee labadaan boos maadaama looga baahan yahay ciyaartoy booskaan ciyaareysa dhawr xirfadood oo kala duwan sida in ay awooda u yeeshaan kasoo baxida taatikada Amorim.
Daafacyadan dhexe kaliya loogama baahna in ay awood u yeeshaan inay difaacdaan kanaalada weerarka, waxay sidoo kale awood u yeelan doonaan inay si fiican u difaacaan kubadaha kusoo dhacaya diilinta ganaaxa, iyagoo iska ilaalinaya cadaadis badan.
Booska daafaca dhexe ee saxda ah, doorashada koowaad waxay noqon kartaa Matthijs de Ligt, halka dadka qaar ay ku doodayaan inuusan lahayn baas heer sare ah iyo karti uu isaga ilaaliyo cadaadiska.
Dhanka Leny Yoro, waa 19 jir oo kaliya mana uusan ciyaarin Premier League ilaa haatan, wuxuu u baahan yahay waqti uu ku horumariyo oo uu dib ugu soo laabto taam ahaanshihiisa rasmiga ah ka hor inta uusan kusoo bixin doorashada koowaad.
Booska dambeedka bidix waxaa heli kara Luke Shaw sabab la xiriirta awooda uu u leeyahay inuu kubada dhaqaajiyo haddii uu heysto taam ahaansho.
Doorashadayda labaad waa Lisandro Martínez, kaas oo sidoo kale leh xirfado wanaagsan, inkastoo uu leeyahay daciifnimo xagga difaacashada ah wuxuuna lumiyay kanaalo badan oo koxdiisa laga soo dusiyay dhowr kubadooda xili ciyaareedkaan.
Khadka Dhexe difaacashada leh
Nidaamka Amorim, khadka dhexe ayaa aasaas u ah, wuxuu u baahan yahay dhex kubad heyn kara una gudbin kara saddexda hore ee weerarka.
Ciyaartoyga dhexda waa inuu si sahlan u dhisaa kubadda, isaga oo difaacasho sameynaya sidookale.
Diiradadiisu markasta waa in ay ahaato bixinta baasas gaagaaban oo qatar aan abuuri karin, isaga oo ugu horrayn kubbadda dib ugu soo celinaya daafaca dhexe ama garbaha weerarka. waxaa looga baahan yahay inuu isku dayo oo uu tijaabiyo baas halis keeni kara.
waa inuu yeshaa hal abuur iyo difaacasho islamarkaana uu mararka qaar aadi karo doorka weerarka ee lambarka 10, inta dhismuhu kubadu socdo.
Markasta waa inuu u dhaxeeyo boosaska 8 ilaa 10 ka. waxaa loo ogolaan doonaa inuu difaactamo kaliya markasta kubadda laga heysto kooxdiisa.
Su’aashu waxay tahay yaa kuso bilaaban kara booska dhexe. Ma jirto jawaab sax ah laakiin Casemiro iyo Manuel Ugarte labaduba waxay muujiyeen in ay u qalmaan booskaan, Ugarte khibradii hore ee Amorim intii lagu jiray waqtigiisii Sporting ayaa caawin karta inuu booskaan kusoo baxo.
Khadka dhaxe ee lambar 8
Doorashada khadka dhexe ee lambarka 8aad sida iska cad waxaa kusoo bixi doona Kobbie Mainoo, Marka la eego Christian Eriksen oo aan heysan tayo ku filan majirto cid kale oo doorkaan kula tartami karta xididga dhalinyarada ah ee Mainoo.
Garab midig ee weerarka
Weerarka midig ayaa ugu horreyn noqon kara Amad Dialo, xirfadihiisa iyo qaab ciyaareedkiisa ayaa si fiican ula jaan qaadi kara sharuudaha Amorim.
Sidookale Bruno Fernandes, Mason Mount, iyo Joshua Zirkzee, ayaa dhamaantood si fiican ugu soo bixi kara doorkaan haddii loo baahdo.
Qeybta weerarka tooska ah
Højlund waxa uu ku fiican yahay abuurista kanaalada weerarka, waxa uu si joogto ah u daba ordaa difaaca isagoo cadaadis badan saara, waa dilaa marka laga hadlayo dhameystirka.
Rashford waa shaqsi tartanka adag kula jira Højlund. waa weeraryahan ilbiriqsi kaga faa,iideysan kara weerarka kooxda Manchester United.