Manchester City iyo Arsenal ayaa Axada ku balansan garoonka Etihad Stadium kulan muhiim u ah tartanka horyaalka Premier League madaama labada kooxood iyo Liverpool ay kala saarto kaliya hal dhibic.
Kooxda Pep Guardiola waxaa hareeyay dhaawacyo kulamadii heerka caalami ee labadii todobaad ee ugu danbeysay, iyadoo ay ka dhaawacmeen Kyle Walker iyo John Stones oo la filayo inay seegaan kulanka Axada.
Waxaase la filayaa in Man City ay dib u hesho kuna soo bilowdaan kulankaan Kevin de Bruyne oo dhaawac ka soo kabsaday iyo goolhaye Ederson. Jack Grealish shaki ayaa ku jira isagana.
Dhanka Arsenal waxay ka walwalsan yihiin taam ahaanshaha xiddigooda Bukayo Saka oo dhaawac uga haray xulkii England ee la ciyaaray Brazil iyo Belgium iyo daafacooda Gabriel oo isna dhaawac qabay kulamadii heerka caalami.
Tababare Arteta ayaa sheegay Saka iyo Gabriel aysan ka qeyb qaadanin tababarka kooxda tan iyo markii ay kooxda ku soo laabteen balse waxa uu sheegay inay jirto fursad ay ku ciyaari karaan kulanka Axada. Waxaa la filayaa inay tababarka maanta ka qeyb qaataan.
Man City ayaa la filayaa inay shax adag kala hortagto Arsenal inkastoo ay ka maqan yihiin labada daafac. Ake iyo Lewis ayaa ciyaari doona garbaha daafaca iyagoo sidoo kale caawin doona xiddigaha weerarka. Dias iyo Akanji ayaa daafaca dhexe la filayaa inay ka ciyaaraan.
Khadka dhexe waxaa ka dheeli doona Kovacic iyo Rodri halka De Bruyne uu kubadsameeyaha noqon doono. Waxaa garabaha weerarka ka ciyaari doona Foden iyo Bernando Silva iyadoo Haaland uu yahay weerarka dhexe.
Dhanka Arsenal waxaa la filayaa inay ku soo shirtagaan 4-3-3, iyadoo White iyo Kiwior la filayo inay garbaha daafaca ka dheelaan, halka Saliba iyo Gabriel ay noqon doonaan labada daafac dhexe haddii xiddiga reer Brazil uu taam u noqdo kulankaan.
Seddexda khadka dhexe waxaa la filayaa inay noqdan Odegaard, Jorginho iyo Declan Rice. Weerarka waxaa la filayaa inuu hogaamiyo Havertz iyadoo ay garbaha ka caawinayaan Trossard iyo Bukayo Saka haddii uu taam u noqdo kulankaas.