Rúben Amorim oo isku diyaarinayo kulankiisii ugu horeyay ee Man Utd isbuuc gudihiis, waxaana loo qorsheeyay inuu hogaamiyo tababarkiisii ugu horeeyay kooxda maanta oo ahyed isniin.
Maamulaha Portugal wuxuu tababarkii maanta ku sameeyay khariidaddiisa kow iyo tobanka ugu fiican ( Shaxdiisa) inkastoo tiro badan oo ciyaartooy ah ku maqan yihiin wajibaadka xulalka.
isaga iyo shaqaalihiisa tababarka ayaa go’aamin doona ciyaartoyda ku haboon doorkasta, waxaana loo ogolaan doonaa ciyaartooyda qaar in ay isaga tagaan kooxda.
Qeybtan koowaad ee taxanayaal ka kooban 3 qeybood oo aan ku eegayno Amorim iyo sida uu u qorsheyn doono kooxda Man United ayaan idiin soo gudbin doonaa caawa
Waxa aan marka hore eegi doonaa guud ahaan nidaamkiisa taatikada ee wejiyada kala duwan leh, annagoo sahamin doona sida ay kooxdu u ciyarai karto iyo waxa isbedeli kara.
Dhismaha ayaa ka bilaaban doona saddex daafac oo si isku mid ah u ciyaari doona,
Sidee taatikadiisa ushaqeyn kartaa?
Marka la eego xoogga iyo xeeladaha ay isticmaalaan kooxaha awooda badan ee kasoo horjeeda, Amorim wuxuu kooxdiisa u dejiyay dhowr siyaabood oo kala duwan oo uu qatartooda kaga hortagi karo.
Tusaale Champions League, waxaan aragnay Amorim oo si farxad leh ugu gacan galiyay kooxda kasoo horjeeda kubadda, laakiin uu si sahlan kaga helay natiijada.
43% ayuu ka helay kubad heysashada kooxda PSV Eindhoven oo barbaro 1-1 ah ay wada galeen, halka 27% kaliya uu heystay kubadda kulankii Man City oo uu 4-1 kaga badiyay.
Dhanka kale xeeladiisa inkasta oo ay tahay in la mamaulo kubada, 71% kubad haysashada ayuu ka helay Braga iyo 69% uu ka heystya Nacional ee Taça De Liga habkaan waa mid uu ku cadaadiyo kooxaha yaryar.
labadaas arin ee kala duwan waxay muujinee sida ay maskaxdiisa u shaqeyso tababarahaan, islamarkaana uu u leeyahay laba maskax oo kala duwan laakiin isku mid u shaqeysa.
1. kooxda weyn kubadda sii kana shaqeyso
2 koox yar kubadda ka heyso kana shaeyso
Habka geesinimada leh ee Sporting u weerar galeysay oo ku dhisneyd nidaamka 3-1-6 ayuu mararka qaar ku shaqeyn karaa, shaxdaan waxay xambaarsan tahay Faa,iido iyo khatar labadaba.
Qaabka taatikada ee Amorim waa mid leh qaab difaaceed si joogto ah isku bedeli kara, seddexda danbe ee difaaca ayaa kubad dhisaya ilaa ay gaarto weerarka.
Arrinta muhiimka ah ee in la ogaado loo baahan yahay ayaa ah in difaaca 3 ah uu mararka qaar isku beselayo 2 oo kaliya, iyadoo goolhayaha uu u shaqeyn doono sidii ciyaartooy dhaxe oo kale isagoo baaska dambe ee dhismaha ka qeyb gali doona.
Falsafada Amorim waxay xoogga saartaa in ciyaartoydiisa ay si degdeg ah uga faa’iidaystaan boosaska banaan oo ay leedahay kooxda kasoo horjeeda ( tan waxay u baahan tahay ciyaartooy aqrin karta ciyaarta)
Tan waxay badanaa taageereysaa weeraryahannada u ciyaara sida Viktor Gyökeres oo kale, kuwaas oo ilaaliya talaabada daafacyada kasoo horjeeda.