Milkiilayaasha Man United INEOS ayaa diyaar u yahay inay shaqaale dhimis xoogan sameeyeen ka dib markii email loo diray dhamaan shaqaalahooda xalay oo Talaado aheyd iyadoo loogu baaqayo inay heystaan muddo isbuuc ah oo ay isku casilaan.
Jawiga garoonka Old Trafford iyo xarunta tababarka Carrington ayaa murugo isku bedelay afar maalmood ka dib markii ay Man United u dabaaldegtay hanashada koobka FA Cup iyagoo garaacay Manchester City.
INEOS ayaa dooneysa inay yareyso qarashka ka baxaya kooxda iyagoo aad u dhimaya shaqaalaha kooxda.
Waxaa la filayaa in shan dhigood dhig ka mid ah 1100 shaqaale in la ceyrin doono si lacag loo babdaadiyo.
Dhamaan shaqaalaha kooxda oo aan ku jirin kuwa kubada cagta ayaa loo diray email xalay, waxaana loo qabtay muddo isbuuc ah inay ku go’aansadaan haddii ay is casilayaan ama sugayaan inta laga ceyrinayo.
Waxay tani xaqiijineysaa cabsidii ay shaqaalaha kooxda qabeen tan iyo markii uu Sir Jim Ratcliffe saami ka iibsaday kooxda bishii December.
Bilyaneerka iska leh shirkada INEOS ayaa durba si adag u la dhaqmay shaqaalaha kooxda isagoo bishii hore ku amray in qof walba oo gurigiisa ka soo shaqeynaya uu sida ugu dhakhsiyaha badan ugu soo laabto xafiiska ama uu shaqo kale raadsado.
Shaqaalaha ayaa sidoo kale ku faraxsaneyn in loo sheegay in midkiiba uu helayo kaliya hal tikidh finalkii FA Cup, halka sidoo kale loo diiday inay kooxda ka bixisay safarkooda iyo cuntadooda sidii dhici jirtay sannadihii hore.