Manchester United ayaa laga dacweeyay maxkamad iyadoo laga dalbaday ku dhawaad 100 kun ginni oo magdhow ah ka dib markii ay si kama ah ay hal email ugu wadaageen xogta xasaasiga ee 167 ka mid ah shaqaalahooda.
Shaqaalaha caadiga ah ee kooxda magacyadooda, cinwaanada guryahooda, lambarka ceymiskooda, lacagaha soo gala iyo mida canshuurta ayay kooxda la wadaagtay dhamaan shaqaalaha taasoo aheyd ku xadgudub sharciga ilaalinta xogta shaqsiga.
Bedelkii ay Man United shaqsi walba si gooni ah xogtiisa ugu diri laheyd, waxay xogta oo wadareysan u wada dirtay dhamaan 167 shaqaale ee kooxda.
Shaqaalaha ayaana ka dacwooday maxkamada sarre iyagoo dalbanaya lacag magdhow ah madaama lagu xadgudubay xogtooda shaqsiga ah, iyagoo ku andacooday in xogtooda ay heli karaan danbiilayaal.
Jonathan Whittle oo qareen u ah 32 ka mid ah shaqaalaha dacweynaya kooxda ayaa yiri: “Bilyaneerada kooxda waa inay qaadaan mas’uuliyada qaladkaan.”
Qaladkaan wuxuu dhacay 9kii Maarso 2018kii, waxayna Manchester United sheegtay inay si weyn uga qoomameynayaan qaladka kooxda ka dhacay islamarkaana ay kooxda qaaday talaabooyin ay uga hor tageyso in qaladkaas oo kale uu mar kale dhaco.