Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay calaamadsatay shan weeraryahan oo ay doonayso in bishan January ay midkood lasoo wareegto, si ay ugu xoojiso safkeeda oo ay ugu dagaallami karaan inay soo cidhiidhsadaan afarta sare eePremier League.
Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa la sheegay inuu yahay ciyaartoyga ay sida weyn u doonayso Blues, kaas oo uu qorshuhu yahay inay amaah kaga soo qaadato Al-Ittihad oo xagaagii si xor ah ugala wareegtay Real Madrid.
36 jirkan ayaa ay wararku sheegayaan inay Jimcihii kulmeen tababare Marcelo Gallardo oo ay isku dhaceen, isla markaana uu ka dalbaday in amaah lagu diro qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkan, waxaana warkan xaqiijisay wakaaladda wararka ee AFP oo sheegtay inuu xiddigani ku cadaadinayo in amaah lagu diro.
Mushaharka Benzema ee Al-Ittihad oo toddobaadkii ah £1.6 milyan oo Gini ayaa Chelsea ku adkaan doona, laakiin laacibkan ayaa qayb ka mid ah lacagtaas ku qasbanaan doona inuu ka tanaasulo, halka inta soo hadhayna ay qaybsan doonaan Chelsea iyo Al-Ittihad.
Afar weeraryahan oo kale ayay Chelsea ku darsatay qorshaheeda bishan January, waxaana Benzema kusoo xiga Victor Osimhem oo shalay shaaciyey inuu sii joogayo Napoli inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, halka saddexda dookh ee kale ay yihiin Johon Duran oo afar gool ud haliyey Aston Villa 23 kulan oo uu u saftay xilli-ciyaareedkan iyo Roony Bardghji oo u dheela FC Copenhagen. Waxa kale oo Blues u calaamadsan difaaca Lille ee Leny Yoro.
Chelsea oo xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League, ayaa xagaagii tegay waxay ciyaartooyo cusub ku kharash garaysay lacag ka badan £400 milyan oo Gini, waxaana xiddigihii ay lasoo wareegeen ka mid ahaa Cole Palmer, Christopher Nkunku, Moises Caicedo, iyo Nicolas Jackson.